Kenya oo war kasoo saartey weerarka Saldhig ciidamada Mareykanka

Image

LAMU, Kenya - Militeriga Kenya ayaa war qoraal ah kasoo saarey goordhaw weerar culus oo saakay Al-Shabaab ku qaadey saldhig ciidamada badda Mareykanka ku leeyihiin gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu.

"Saakay saacadu markii ay ahayd 5:30 AM ayaa la isku dayay in weerar lagu galo saldhiga Manda, balse waa laga hortagay si guul leh, waxaana goobta yaalla meydadka afar argagaxisada katirsan, saldhigga waa nabad hadda, oo wax dagaal ah kama socdo," ayaa lagu yiri qoraalka KDF.

Weerarka ayaa Al-Shabaab waxay sheegtay inay ku qabsatay qeyb kamida saldhigga, balse warkaas waxaa beeniyay dowladda Kenya oo qoraalkeeda ku xaqiijisay inaysan jirin dagaalyahano gudaha galay.

Militeriga Kenya ayaa sidoo kale sheegay in rasaas la riday ay waxyeello gaarsisay booyadda shidaal oo yaalla gudaha saldhiiga cirka oo ah mid aad u muhiim ah, islamarkaana ay ciidamada Mareykanka kasoo qaadi jireen weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada soo gala gaarey, marka laga soo tago sheegashada KDF ee ah meydadka afar Al-Shabaab ay ay goobta ka haleen.

Weerarka waxaa lagu soo beegay xilli Mareykanka uu ku jiro feejignaan kadib markii Jimcihii uu ku dilay magaaladda Baqdaad ee caasimadda Iraq Jeneraal Qaasim Suleymani, oo ahaa madacii howlgallada dibadda ee dowladda Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM