Kenya: Tirada kiisaska iyo geerida Covid-19 oo si weyn u korortay

Image

NAIROBI, Kenya – Kenya ayaa sheegtay in Khamiista maanta ay diiwaan-gelisay 29 kiis cusub oo Coronavirus, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 110.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sidoo kale waxay soo warisay geerida laba kale, taas oo tirada guud ka dhigeysa saddex qof.

Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka, ayaa xusay in 28 kiis ay yihiin muwaadiniin, marka laga reebo ruux kasoo jeeda Congo.

Dadka ayuu cod dheer uga digay in aysan ka feejignaan xanuunka, iyaddoo tiradda kiisaska ay maalin walba wax cusub kusoo kordhayaan.

Si lamid ah, dadweynaha gaar ahaan rakaabka raacaya baabuurta iyo mootooyinka ayuu ku waaniyey in ay xirtaan Maaskaro.

Kulamada dadweynaha ayuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in gebi ahaanba meesha laga saaro, si looga fogaado faafitaanka.

"Kuwa u hogaan-samay amarada iyo kuwa iskood isku karan-tiilay, waa dadka ugu badan ee laga waayey markii la baarey," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, gudoomiye ku xigeenka ismaamul goboleedka Kilifi ayuu xusay in uu soo kabanayo markii u galay karantiil xili uu kasoo laabtey Jarmalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM