Khasaaro ka dhashay dagaal dhex-maray milatariga iyo sirdoonka Sudan

Image

KHARTUUM, Suudaan - Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay maanta weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday

Talaadadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdoonka NISS ee Khartoum, kadib markii wakiilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas.

Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 20119.

Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay xarumaha sirdoonka kadib markii rasaasta laga maqlay.

“Waxaan go’aansanay inaan weerarno xarumaha si loo soo geba-gebeeyo kacdoonkan…waxaana hadda la wareegnay saldhigyada,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay madaxa shaqaalaha madaxtooyada Sudan General Osman Mohamed al-Hassan.

“Waxaa naga dhintay laba askari, waxaana naga dhaawacmay afar kale oo ay ku jiraan laba sarkaal.” Ayuu yiri.

Dhinaca kale, dhaqaatiir ayaa sheegay in saddex qof oo shacab ah – oo dhammaantood isku qoys ahaa – ay sidoo kale ku dhinteen rasaas la isku weydaarsaday meel ku dhow saldhigga NISS ee Koonfurta Khartoum. Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo kale la dhaawacay.

Afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh ayaa sheegay in wakiilada NISS ay gadoodeen kadib markii ay diideen lacagta loogu qondeeyey inay howlgab uga noqdaan shaqada.

GO + Wakaaladaha

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM