Koonfur Afrika oo ka carootay xayiraadyo lagu soo rogay

Image
Talaabooyinkan ayaa lala xiriiriyey nooca cuusub ee  Coronavirus-ka ee  loo bixiyey Omicron.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay xayiraadaha safarka ee lagu soo rogay dalkiisa iyo dalalka dariska la ah sababo la xiriira nooca cuusub ee  coronavirus-ka ee  loo bixiyey Omicron.

Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu aad uga niyad jabay falkaas oo uu ku tilmaamay mid aan cudur daar ahayn, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo qaado xayiraadaha.

UK, EU iyo US ayaa ka mid ah kuwa xaddiday socdaalka dalalka Koonfur Afrika oo intooda badan lagu arkey nooca cusub ee cudurka coronavirus u duub dilaacsadey.

Omicron oo laga helay Koonfur Afrika ayaa lagu tilmaamey isbadal cusub oo ku yimid Covid19 waxaana la shegeey inuu yahay mid Leh wel wel lamid ah noocii loo yaqaaney Delta.

Koonfur Afrika ayaa ka cabanaysa in la ciqaabayo - halkii ay ahayd in lagu bogaadin - sababo la xiriira helitaanka Omicron, oo khuseeya nooc cusub oo ah safmarka Covid-19.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa hadalkan sheegtay iyadoo dalalka caalamka ay xaddideen socdaalka ay ku tagayaan koonfurta Afrika iyadoo ay soo baxday faahfaahinta faafitaanka cudurkan.

Caddaynta hore waxay soo jeedinaysaa in Omicron uu leeyahay khatar sare oo dib-u-qaadis ah. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Jimcihii sheegay in kala duwanaanshahan cusub loo tixgelinayo "walaac".

Dhowr kiis ayaa laga aqoonsaday Yurub, oo ay ku jiraan laba UK iyo mid Beljamka. Kiisas keli ah oo looga shakisan yahay ayaa sidoo kale laga helay Jarmalka iyo Jamhuuriyadda Czech.

Nooca cusub oo walwal cusub abuuray ayaa sidoo kale laga helay Botswana, Hong Kong iyo Israel. Boqolaal rakaab ah oo imaanaya dalka Nederland kuna soo fool lahaa Koonfur Afrika ayaa lagu tijaabinayaa noocaan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada Waqooyi Bari

Madaxweyne Ruto oo Wajir Ka Raalli-gelin Ka Bixiyey Dayacaaddii Lagu Hayey Gobolada…

  • Afrika

    02-06-2026

  • 04:07PM

Abiy Ahmed oo codkiisa dhiibtay xilli xisbigiisa loo saadaalinayo guusha doorashada Itoobiya

Goobaha codbixinta ayaa albaabada loo furay 6:00 subaxnimo, iyadoo safaf dhaadheer lagu arkayay meelo badan saacadihii hore ee maalinta.

  • Afrika

    01-06-2026

  • 07:46AM