Koonfur Afrika oo lagu eedeeyay in ay hub siisay Ruushka

Image
Washington ayaa muujisay walaac ka qabto mowqifka aan isbaheysiga lahayn ee dalkan ka qaatay colaadda Ukraine.

PRETORIA, South Africa - Safiirka Maraykanka u jooga Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay dalkan in uu hub siiyo Ruushka inkasta oo Koonfur Afrika ay sheegtay in uu dhexdhexaad ka tahay dagaalka Ukraine.

Reuben Brigety ayaa ku andacoodey in Markab laga leeyahay dalka Ruushka uu rasaas iyo hub ka rartay magaalada Cape Town bishii December ee lasoo dhaafay.

Xafiiska madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin sheegashadaas oo uu sheegay in aan wax caddayn ah la socon, waxaana uu beeniyay jiritaanka warkaas.

Dalkan ayaa wuxuu sii waday sheegashada dhexdhexaadnimada tan iyo markii uu bilowday duulaanka Moscow ay ku qaadey Ukraine kaasoo galaaftay nolosha boqolaal kun oo ruux.

Mr Brigety ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Pretoria Khamiistii waxa uu ka sheegay in Washington ay walaac ka qabto mowqifka aan isbaheysiga lahayn ee waddanku ka qaatay colaaddan.

Koonfur Afrika ayaa hore uga aamustay codbixin ay Qaramada Midoobay ku cambaaraysay duullaanka. Waxay kaloo diiday inay kula biirto Maraykanka iyo Yurub cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka.

Dalkani waxa uu xiriir casri ah la leeyahay Ruushka maadaama uu xubin ka yahay isbahaysiga Brics, oo ah koox matalaysa qaar ka mid ah wadamada dhaqaalahoodu soo korayo ee ay ka mid yihiin China, Brazil iyo India.

Taariikh ahaan, Koonfur Afrika ayaa waxay lahayd warshadaha hubka oo aad u kobcay, waxayna hubka u iibin jirtay dalalka qaarada Afrika. Inta uu le'eg yahay awoodda hubkaas ilaa waqti-xaadirkan lama ogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM