Koonfur Afrika oo lagu eedeeyay in ay hub siisay Ruushka

Image
Washington ayaa muujisay walaac ka qabto mowqifka aan isbaheysiga lahayn ee dalkan ka qaatay colaadda Ukraine.

PRETORIA, South Africa - Safiirka Maraykanka u jooga Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay dalkan in uu hub siiyo Ruushka inkasta oo Koonfur Afrika ay sheegtay in uu dhexdhexaad ka tahay dagaalka Ukraine.

Reuben Brigety ayaa ku andacoodey in Markab laga leeyahay dalka Ruushka uu rasaas iyo hub ka rartay magaalada Cape Town bishii December ee lasoo dhaafay.

Xafiiska madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin sheegashadaas oo uu sheegay in aan wax caddayn ah la socon, waxaana uu beeniyay jiritaanka warkaas.

Dalkan ayaa wuxuu sii waday sheegashada dhexdhexaadnimada tan iyo markii uu bilowday duulaanka Moscow ay ku qaadey Ukraine kaasoo galaaftay nolosha boqolaal kun oo ruux.

Mr Brigety ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Pretoria Khamiistii waxa uu ka sheegay in Washington ay walaac ka qabto mowqifka aan isbaheysiga lahayn ee waddanku ka qaatay colaaddan.

Koonfur Afrika ayaa hore uga aamustay codbixin ay Qaramada Midoobay ku cambaaraysay duullaanka. Waxay kaloo diiday inay kula biirto Maraykanka iyo Yurub cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka.

Dalkani waxa uu xiriir casri ah la leeyahay Ruushka maadaama uu xubin ka yahay isbahaysiga Brics, oo ah koox matalaysa qaar ka mid ah wadamada dhaqaalahoodu soo korayo ee ay ka mid yihiin China, Brazil iyo India.

Taariikh ahaan, Koonfur Afrika ayaa waxay lahayd warshadaha hubka oo aad u kobcay, waxayna hubka u iibin jirtay dalalka qaarada Afrika. Inta uu le'eg yahay awoodda hubkaas ilaa waqti-xaadirkan lama ogga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM