Koonfur Afrika: Waddanka lagu khaarijiyo 30 qof maalin walba

Image
Ugu yaraan 2,629 qof ayaa lagu dilay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, sidda ku cad tirakoobka rasmiga ah ee dambiyada.

CAPE TOWN, South Africa - Toogasho ka dhacday Koonfur Afrika ayaa lagu dilay lix qof, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii saddex dabley uu gudaha u galey daarada guri kadib rasaas ku furey, sida uu sheegay booliiska.

Toogashada ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacday KwaNobuhle oo u dhow magaalada Kariega ee gobolka Eastern Cape. Eedeysanayaasha ayaan la soo qaban, waxaana socda baaritaan.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu dilalka badan caalamka waxaana lagu khaarijiyey ugu yaraan 2,629 qof saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, sidda ku cad tirakoobka rasmiga ah ee dambiyada.

Tani waa heerka 30 qof maalintii dalkan ay ku nool yihiin 60 milyan. Afduubka lagu raadiyo madaxfurasho iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka caanka ah ayaa sidoo kale ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika.

Booliska oo gaabis uu yahay kaalintooda xakameynta falalkan ayaa xusay in shan nin iyo qof dumar ah lagu dilay toogashada Talaadadii iyadoo qof dumar ah ay ka mid tahay dadka dhaawacmay.

Sannadkii hore, 16 qof ayaa lagu dilay magaalada Soweto ee magaalada Johannesburg ka dib markii dabley tiro badan ay ku toogteen dad ku sugnaa baar.

Siddeed qof ayaa si xun loogu toogtay xaflad dhalasho oo ka dhacday isla gobolka Eastern Cape bishii Janaayo ee sanadkan aan ku jirno ee 2023-ka. Ilmo yar ayaa ka mid ahaa 10 xubnood oo isku qoys ah oo lagu dilay guri bishii Abriil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM