Koonfur Afrika: Waddanka lagu khaarijiyo 30 qof maalin walba

Image
Ugu yaraan 2,629 qof ayaa lagu dilay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, sidda ku cad tirakoobka rasmiga ah ee dambiyada.

CAPE TOWN, South Africa - Toogasho ka dhacday Koonfur Afrika ayaa lagu dilay lix qof, afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii saddex dabley uu gudaha u galey daarada guri kadib rasaas ku furey, sida uu sheegay booliiska.

Toogashada ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacday KwaNobuhle oo u dhow magaalada Kariega ee gobolka Eastern Cape. Eedeysanayaasha ayaan la soo qaban, waxaana socda baaritaan.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu dilalka badan caalamka waxaana lagu khaarijiyey ugu yaraan 2,629 qof saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, sidda ku cad tirakoobka rasmiga ah ee dambiyada.

Tani waa heerka 30 qof maalintii dalkan ay ku nool yihiin 60 milyan. Afduubka lagu raadiyo madaxfurasho iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka caanka ah ayaa sidoo kale ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika.

Booliska oo gaabis uu yahay kaalintooda xakameynta falalkan ayaa xusay in shan nin iyo qof dumar ah lagu dilay toogashada Talaadadii iyadoo qof dumar ah ay ka mid tahay dadka dhaawacmay.

Sannadkii hore, 16 qof ayaa lagu dilay magaalada Soweto ee magaalada Johannesburg ka dib markii dabley tiro badan ay ku toogteen dad ku sugnaa baar.

Siddeed qof ayaa si xun loogu toogtay xaflad dhalasho oo ka dhacday isla gobolka Eastern Cape bishii Janaayo ee sanadkan aan ku jirno ee 2023-ka. Ilmo yar ayaa ka mid ahaa 10 xubnood oo isku qoys ah oo lagu dilay guri bishii Abriil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM