Koonfurta Sudaan oo iska fogeysay iney taageerto TPLF
MOGADISHU- Wasiirka Warfaafinta Micheal dalka Koonfurta Sudan Makuei oo la hadlayay saxafiyiinta kadib shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee dhamaadkii isbuucaan ayaa sheegay in Madaxweyne Salva Kiir uusan waligiis taageeri doonin jabhad, isagoo tusaale u soo qaatay taageeradii Itoobiya ay u fidisay intii uu socday halganka uu dalkiisa kaga xoroobayey Suudaan, taasoo uu sheegay in ay tahay mid aan la ilaawi karin.
“Shacabka iyo dawladda Itoobiya sannadahan oo dhan way na garab taagnaayeen, haddaanay dawladda Itoobiya gacan ka helinna maanta maynaan madaxbannaanaaneen.
"Marka, ma jirto si aan u dhihi karno waxaan taageereynaa jabhadaha si ay u afgambiyaan nidaamka Itoobiya," ayuu yiri Mr Makuei.
Waxa uu intaa ku daray in Koonfurta Sudan ay haysan dhaqaale ku filan ciidamadeeda sidaas darteedna ay doqoniimo tahay in hub la siiyo jabhada Tigray-ga oo ay ciidamadeeda ka qaado wax hub ah.
Mr Makuei ayaa u xaqiijiyay PM Abiy taageerada Koonfurta Suudaan.
“Tani waa inaan si cad u cadeynaa oo aan u xaqiijinaa dowladda Itoobiya inaan iyaga la jirno, dowladda iyo shacabka Itoobiyana aan garab taaganahay oo aanan marnaba ka hor imaan doonin sinaba.
"Haddii ay jiraan shaqsiyaad laga yaabo inay iibiyaan hub, markaa kuwani waa shakhsiyaad laga yaabo inay haystaan hubkooda gaarka ah," Mr Makuei ayaa yidhi.
Raad raac kuwa iibinaya hubka
Wasiirka warfaafinta ayaa intaa ku daray in taliska Abiy uu la xisaabtamo dadka lagu eedeeyay in ay hub ka iibinayaan kooxda TPLF hadii ay daba gal ku samayn karto.
Laba toddobaad ka hor, Abiy Ahmed ayaa difaacay ficilkiisa ah in safka hore ee dagaalka tago isagoo ku dhawaaqay in ‘guul’ uu ka gaaray kooxda TPLF.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ficilladiisu aysan diidin baahida loo qabo nabadda, balse kaliya ciidamadiisu dib u riixayeen koox uu ku tilmaamay argagixiso.
Markii ugu horeysay ee ciidamada Itoobiya weerar ku qaadeen TPLF bishii Nofeembar 2020, Abiy wuxuu ku dhawaaqay in la soo afjaray hawlgalka shan todobaad kadib, laakiin dagaalku wuu sii socday.
Dabayaaqadii bishii Juun, xoogaga TPLF waxay dib ula wareegeen inta badan Tigray, oo ay ku jirto Mekele.
Arbacadii usbuucii hore, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka isagoo booqasho ku jooga Colombia si uu u xuso sanadguuradii shanaad ee heshiis nabadeed oo dhex maray dowladda iyo Farc.
GAROWE ONLINE