Ku dhawaad ​​40 arday ah oo lagu dilay weerar lagu qaadey iskuul

Image
Labaatan ka mid ah ayaa lagu weeraray baangado halka 17 ka mid ahna waa la gubay, sidda uu sheegay booliska.

KAMPALA, Uganda - Ku dhawaad ​​40 arday ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaadey iskuul ku yaalla galbeedka Uganda. Falkan ayaa lala xiriiriyey koox fagaalo ah oo loo maleynayo in ay taabacsan tahay maleyshiyaadka Daacish.

Shan dabley ayaa lagu waramay in ay beegsatay dugsiga sare ee Lhubiriha ee Mpondwe saacadu markay ahayd abaare 23:30 waqtiga maxaliga ah (20:30 GMT) Jimcihii.

Kooxda hubeysan ayaa waxay gashay qolalka jiifka kadibna dab-qabadsiiyay, waxayna isticmaaleen baangado si ay u dilaan una naafeeyaan ardayda, sida ay saraakiishu sheegeen.

Xoogaga Allied Democratic Forces (ADF) – oo fadhigoodu yahay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) – ayaa lagu eedeeyay weerarka. Howlgal lagu goobayo raadkooda ayaa bilowday.

Wasiirka warfaafinta Uganda, Chris Baryomunsi oo u waramay Idaacadda BBC-da, ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in 37 arday la xaqiijiyay in la dilay, balse ma uusan sheegin da’dooda.

In ka badan 60 qof ayaa wax ku barta dugsiga kuwaas oo badankooda jiifta xarunta. "20 ka mid ah ayaa lagu weeraray baangado 17 ka mid ahna waa la gubay," ayuu raaciyey Baryomunsi.

Dhacdadan ayaa daba socota weerar todobaadkii hore ay dagaalyahano looga shakisan yahay ADF ay ka geysteen tuulo ku taal DRC oo u dhaw xadka Uganda. In ka badan 100 qof ayaa u qaxay Uganda laakiin waa ay soo noqdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM