Ku dhowaad 40 qof oo asbuuc gudahiisa lagu dilay Burkina Faso

Image
Dhimashadan ayaa lagu waramay in ay ka dhalatay weeraro ay geysteen kooxo jihaad-aloosyaal ah.

NAIROBI, Kenya - Illaa 40 qof ayaa lagu dilay mowjado weeraro ah oo ka dhacay Burkina Faso oo kamid ah meelaha ay ku badan yihiin weerarada Jihaad-aloosyaasha, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin.

Sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah iyo dadka deegaanka u sheegeen AFP, illaa 20 qof ayaa lagu dilay weeraro xiriir ah oo lagu qaaday tuulooyin ka tirsan waqooyiga Burkina Faso.

Subaxnimadii hore ee Khamiista, kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday saddex tuulo oo ku yaalla gobolka Yatenga ee waqooyiga dalkaasi halkaasoo ay khasaaro ka geysteen.

"Shalay abbaare 5-tii subaxnimo (maxali ah iyo GMT), kooxo hubaysan ayaa weeraray tuulooyinka Pelle, Zanna iyo Non Faire," ayuu yir qof kamid ah dadka degaanka ah.

Shaqsigan oo magaciisa uga gaabsadey sababo la xiriira cabsi dhanka ammaankiisa ah ayaa ku daray: "Waxaa jira kuwo kale oo badan oo dhaawacmay".

Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay "Kooxaha dilka geystay oo ku yimid mooto bajaaj, waxaa eryay dad iskaa wax u qabso ah [kaaliyeyaasha rayidka ah ee ciidanka] iyo askar."

Weerarkan ayaa waxaa xaqiijiyay ilo ka tirsan laamaha ammaanka, kuwaasoo tirada dhimashada ku sheegay ​​20-qof, iyaga oo xusay inay socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii dilka geystay.

"Maleyshiyaadka waxaa la isaga caabiyey taageero xagga cirka ah kadib markii ay gabaad ka dhigteen keynta Barga," ayuu yiri sarkaal dhanka ammaanka ah. "Dhawr ayaga kamid ah ayaa dhintay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM