Lamaane dhowaan aqal-galay oo lagu dilay Cameroon

Image

NAIROBI, Kenya - Dabley ayaa magaalo ku taalla Cameroon waxa ay ku dishay sagaal qof oo ay ku jiraan lamaane dhowaan is-guursadey.

Lamaanahan ayaa lagu kala magacaabaa Simplice Lontsi Tsomene oo 37-jir ah iyo Hélène Raisa Tanga oo 25-jir ah.

Qoyskan ayaa ifka uga tagay saddex caruur ah waxaana ay lahaayeen tukaan lagu iibiyo telefoonada gacanta.

Weerarka lagu khaarijiyey ayaa ka dhacay magaalada Bamenda oo caan ku ah ku hadalka luuqadda English-ka.

Mas’uuliyiin ayaa weerarkan waxa ay ku eedeeyeen koox gooni-u-goosad ah balse waxaa fuliyey labo ruux oo afka soo xirtey.

Kooxdan oo dagaal wada tan iyo 2017-kii ayaa dooneysa in ay sameeyaan dal lagu magacaabo Ambazonia.

Hay’adda Amnesty International ayaa horey ula xiriirisay kooxdan dilal qorsheysan oo lagu beegsadey dad caan ah.

Jabhadan ayaa caan ku ah magaca “Black legs” taas oo marka la turjumo noqoneysa “Kooxda Lugaha Madow”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM