Lix dal oo baaq culus kasoo saarey colaadda Itoobiya
WASHINGTON, USA - Lix waddan oo uu Maraykanku ku jiro ayaa walaac ka muujiyay warbixinnada sheegaya in Itoobiya ay xidhay dad u dhashay Tigreega sababo salka ku haya qoomiyad iyo colaadda waddanka ka jirta ee sannad jirsatay.
Maraykanka, Britain, Canada, Australia, Denmark iyo Netherlands ayaa soo xigtay warbixin ay soo saareen guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya iyo hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
Warbixintaas ayaa fahfaahisay qaabka xarigga baahsan ee lagu hayo qowmiyadda Tigreega, oo ay ku jiraan wadaadada Ortodokska, dadka waayeelka ah iyo hooyooyinka caruur leh.
"Shakhsiyaadka waa la xiraa iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin ama maxkamad la horkeeno, waxaana lagu soo waramayaa in lagu hayo xaalado ka baxsan bini'aadantinimada, ayay ku sheegeen bayaan wadajir ah.
Afhayeenka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, Billene Seyoum iyo Afhayeenka Dowladda Itoobiya, Legesse Tulu, ayaan si deg deg ah uga jawaabin codsiyo ku saabsanaa hadalka.
Colaadda Itoobiya iyo hoggaanka Tigray-ga ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin qofna waxay ka qaxeen guryahoodii, waxayna ka dhigeen in ka badan 9 milyan oo qof oo ku tiirsan cunno gargaar ah.
Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu weyn Afrika, isla markaana leh miisaan diblumaasiyadeed oo gobolka ah, ayaa mar xulufo la ahayd ciidamada ammaanka ee reer galbeedka ee doonaya inay ka hortagaan xagjirnimada Islaamiyiinta.
Xiriirka ayaa xumaaday iyadoo ay sii kordhayaan eedeymaha ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee la geystay intii uu socday iska-hori-maadka.
"Waxaa cad in aysan jirin in xal ciidan lagu xalin karo colaadan, waxaana cambaareyneynaa wax kasta oo dhibaato ah oo loo geysto dadka rayidka ah, kuwii hore, kuwa hadda jira iyo kuwa soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Labada dhinac ee Itoobiya ayaa midba midka kale ku eedeynayaa in uu gabood fallo geystay, waxayna labaduba beeniyeen eedeymahaas. Lixda waddan ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya colaadda inay ka wadahadlaan xabbad joojin waarta.
GAROWE ONLINE