Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay
CASABLANCA – Lix muwaadin oo u dhashay dalka Morocco, kuwaas oo muddo ka badan laba sano ku xirnaa Puntland ee Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay dalkooda hooyo, ka dib markii lagu guulaystay dadaallo diblamaasiyadeed oo muddo soo jiitamayay.
Sida ay xaqiijiyeen ehelada maxaabiistan iyo Guddiga Wadajirka ah ee Difaaca Maxaabiista Islaamiga ah, raggan ayaa toddobaadkii hore ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Maxamedka Shanaad ee magaalada Casablanca. Waxaa safarkooda ka soo qayb qaatay diyaarado soo maray dalalka Itoobiya iyo Masar ka hor intaysan gaarin Morocco.
Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024. Waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Daacish, iyadoo maxkamad military oo ku taal magaalada Boosaaso ay markii hore ku xukuntay dil toogasho ah.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda racfaanka ayaa dhowr bilood ka dib meesha ka saartay xukunkii dilka ahaa, waxaana la caddeeyay inay ahaayeen dhibanayaal lagu soo siray shaqooyin been ah, iyadoo ugu dambeyntii lagu waayay wax dambi ah laguna xukumay in dalka looga saaro muddo 18 bilood gudahood ah.
Inkastoo raggan laga soo sii daayay Soomaaliya iyagoo aan wax dambi ah lahayn, haddana markii ay gaareen Morocco waxaa durbadiiba la wareegay laamaha amniga, gaar ahaan Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka (BCIJ). Eheladooda ayaa sheegay in baaritaankan uu yahay mid caadi ah oo qayb ka ah hannaanka amniga ee dalka Morocco marka muwaadiniintu ay ka soo laabtaan goobaha colaadaha.
Ehelada ayaa u mahadceliyay dowladda Morocco iyo dhammaan intii ka shaqaysay soo celinta wiilkooda, iyagoo codsaday in tixgelin dhanka bini'aadantinimada ah loo muujiyo maadaama ay muddo dheer ku jireen xabsi xaaladdiisu adag tahay, si kiiskooda loo soo afjaro loona sii daayo.
Afhayeenka Guddiga Difaaca Maxaabiista, Cabdiraxiim Qazaali, ayaa sheegay in dadaallo is-daba-joog ah iyo faragelinta diblamaasiyadda Morocco ay keentay in ugu dambeyntii laga soo dhoofiyo Soomaaliya.
Xaaladda lixdan nin ayaa hadda ku jirta gacanta laamaha amniga ee dalkooda, waxaana la filayaa in la sii daayo marka uu soo dhammaado su'aalo weydiinta ku saabsan xaaladihii ay ku soo mareen Soomaaliya.
GAROWE ONLINE