Loolan u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo ka billowday Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisad ayaa ka taagan Bariga Afrika iyadoo Itoobiya iyo Kenya ay ku loolamayaan dagaalka suuqa qaadka ee Soomaaliya. Xiriirka aan wanaagsaneyn ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa u muuqday mid soo hagaagaya, , balse go’aankii dhawaan ay Soomaaliya ku ogolaatay in Itoobiya ay 10 maalmood bishii si gaar uga faa’iideysato suuqa qaadka ayaa ka careysiin kara Kenya.
Maaha qaadka oo kaliya ee waa lacagta, ka ganacsiga qaadka waxaa ka soo xarooda lacag badan, Itoobiya iyo Kenyana waxay doonayaan inay qayb ka helaan faa’iidadaas.
Kenya ayaa hoggaanka qabatay, iyadoo la wareegtay gacan ku haynta suuqa qaadka ee Soomaaliya, kaddib markii sannadkii hore laga qaaday xayiraadda. Laakin hadda Itoobiya diyaar uma aha inay qaadato doorkii daawadayaasha, iyada oo si cad uga jawaabtay Kenya.
Dhaq-dhaqaaqyada ka dhacaya suuqa qaadka iyo go’aanka Soomaaliya ma ahan mid la xiriira dhaqaale oo kaliya. Taa badalkeedii waxay si qoto dheer ah ugu xiran yihiin loolanka awoodeed ee u dhexeeya dawladahan.
Codsiga Itoobiya ee maalmo gaar ah oo ay ku iibinayso qaadkeeda waxa laga yaabaa in uu u ekaado codsi aan macno lahayn, laakiin waa fariin ay hab daahsoon ku sheegayaan “Waan Joogna”.
Halka siyaasiyiintu ay gacmaha isqabsadaan oo heshiisyo kala saxeexdaan, culayska go’aanadan siyaasadeed ayaa ah mid ku kooban Shacabka, tusaale ahaan, beeraleyda qaadka Kenya waa dadka ay saameynta ugu badan ku yeelatay tallaabada Soomaaliya ay ku kala qeybsaneyso suuqa qaadka.
Sidoo kale, xayiraadda ay dowladda Soomaaliya saartay sanadihii la soo dhaafay dhoofinta qaadka Kenya ayaa caqabad ku noqoday qaar badan oo kamid ah shacbka dalkaas, iyaga oo raadinayey sidii ay qiimo jaban badeecadahooda ugu iibin lahaayeen gudaha.
Ganacsado badan ayaa shaqdoodii ku waayey xayiraadaas, waxayna saameysay hab-nololeedka kumannaan muwaadiniin Kenyan ah. Dusha sare ee khilaafuadan soo noqnoqda ayaa waxa ka dhex muuqda damac siyaasadeed, dano dhaqaale iyo saameyn ay ku yeelanayso bulshada.
Iyadoo Itoobiya iyo Kenya ay maalmahan suuqa qaadka ku muransan yihiin, su’aasha dhabta ah waxay tahay ma heli doonaan meel dhaxe oo ay isugu yimaadaan kaas oo ka baxsan fowdada siyaasadeed/diblomaasiyadeed oo ay haatan ku dhex dabaalanayaan.
GAROWE ONLINE