Maamul goboleed cusub oo looga dhawaaqay dalka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa shaaciyey la tiriyey badi codadka laga dhiibtay aftidii gobolka Sidama ee ku aadaneyd in uu noqdo ismaamul madax banaan.

Wadarta guud ee dadka codadkoodu dhiibtay ayaa waxay gaarayaan 2.3 milyan oo ruux. Goobaha cod-bixinta ayaa gaarayey 1,692 meel.

Mas'uuliyiinta maamulayey cod-bixinta ayaa waxaa tiradooda lagu qeexay wadar ahaan 6,000 [lix kun oo saraakiil].

Sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah, natiijadda aftida ayaa waxay noqotay 98.51% oo u coddeysay Sidama uu noqdo ismaamul madax banaan.

Tiradda kasoo horjeesatay in gobolkaan dowlad goboleed si madax banaan isku maamula in uu noqdo ayaa waxay gaareysaa 1.48%.

Codadka xumaaday ee dadka codadkoodu dhiibtay ayaa waxay gaarayaan 18-kun oo ruux. Cod-bixiyeyaasha waxay isugu jireen rag iyo dumar.

Tani ayaa waxay ka dhigan in Sidama uu noqonayo maamul goboleedka 10aad ee ka jira dalka Itoobiya, waxayna sarre u sii qaadeysaa suurtogalnimadda in ay soo ifbaxaan maamul goboleedyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM