Madax Afrikaan ah oo u kala dab-qaadaysa Ruushka iyo Ukraine

Image
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyey in ay dhowaan booqan doonan labadan dal.

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in wafdi ka socda Afrika ay dhawaan tagi doonaan Ruushka iyo Ukraine si ay u soo bandhigaan qorshe nabadeed.

Shaacinta Cyril Ramaphosa ee safarka la qorsheeyay ayaa timid Talaadadii intii lagu guda jiray kulan warbaahineed oo uu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Singapore, Lee Hsien Loong.

Waxa uu xusay in koox ka mid ah madaxda Afrika ay doonayaan in ay soo bandhigaan hindise nabadeed oo ka qayb qaadan kara xal u helida khilaafka Ruushka iyo Ukraine.

Ramaphosa waxa uu tibaaxay in uu la hadlay madaxweynayaasha Putin iyo Zelenskyy, kuwaas oo isku raacay in ay diyaar u yihiin in ay qaabilaan ergada madaxda Afrika ee caasimaddooda Moscow iyo Kyiv.

"Waxaan kala hadlay colaadda ka jirta qaybtaas adduunka kamid ah saameyn ku leh nolosha dad badan. Afrikaanka marka loo eego haqab-beelka cuntada, qiimaha bacriminta ayaa kor u kacay, qiimaha badarka ayaa kor u kacay iyo qiimaha shidaalka,” ayuu yiri.

Marka laga soo tago Koonfur Afrika, Zambia, Senegal, Congo Brazzaville, Uganda iyo Masar ayaa dhamaantood qayb ka ah hindisaha oo la aaminsan yahay in reer galbeedka taageerayaan.

Wadahadallada ayaa waxaa la sheegay in ay fududeeysay hay'adda Brazzaville Foundation, oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay London, diiradda saara xallinta khilaafaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM