Madaxda Afgambiga Niger oo wajahaya Cadaadis Gudaha iyo Dibadda ah

Image

NIGER - Caqabad diblumaasiyadeed ayaa soo wajahday madaxdii afgambiga milateri ku qabsaday dalka Niger, ka dib markii ay diideen qaar ka mid ah safiirada go’aanka xil ka qaadista lagu sameeyay, iyaga oo carabka ku adkeeyay in ay kaliya u hoggaansamaan Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Golaha militariga Niger ayaa shaqada ka ceyriyay safiirada u fadhiya Mareykanka, Nigeria, France iyo Togo, wadamadaas intooda badan ka soo horjeeda afgambiga, waxaana qaarkood, sida Nigeria, ay uga hanjabeen Niger faragelin militari oo xila loogu soo celinayo Madaxweyne Bazoum.

Xisbiga “Niger for Democracy and Socialism” ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Milatarigu ay xabsiga u taxaabeen mas’uuliyiin badan oo ka tirsanaa xukuumadii la afgambiyay oo ay ka mid yihiin wasiiradii macdanta iyo wasiirkii Shidaalka Sani Maxamed.

Hogaamiyeyaasha afgambiga sameeyay ayaa isku dayaya inay ka takhalusaan dhammaan Danjirayaasha iyo mas’uuliinta xilalka haaya ee taacbsan madaxweyne Maxamed Bazoum. Safiirada ugu muhiimsan dalkaas ayaa ah kuwa France, America iyo Nigeria.

Masiirka madaxdan ayaa lala xiriirinaya masiirka madaxweyne Bazoum, maadaama ay xilalkooda sii hayn doonaan haddii uu ku guulaysto inuu soo ceshto awoodiisa. balse dadka ku xeel dheer arrimaha Afrika ayaa aaminsan inay markii dambe u hogaansami doonaan madaxda afgambiga.

26-kii July ciidamadu Niger ayaa ku dhawaaqay in ay afgambiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum, ka dib khudbad ay ka jeediyeen Telefishinka Qaranka ee dalkaas. Niger ayaa sidaas ku noqotey waddankii saddexaad ee ku yaalla galbeedka Afrika oo uu ka dhaco afgambi tan iyo sannadkii 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM