Madaxda ciidamada dalka Niger oo ka warbixiyay xaalada siyaasadeed ee dalka

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Madaxa golaha militariga ee Niger, Abdourahamane Tiani, ayaa weeraray cunaqabateynta ay ku soo rogeen Ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika "ECOWAS" dalkiisa, isaga oo sheegay in uu u arko faragelin kasta oo dibadda ka timaada "qabsasho."

Qudbad uu jeediyay, ayuu madaxa ciidamada militariga Niger, Abdourahamane Tiani ku yiri: "cunaqabateynta ECOWAS waxaa looga dan leeyahay in lagu ceejiyo dhaqaalaheena iyo ganacsigeena."

Waxa uu intaa ku daray intii uu khudbadiisa ku jiray: "Cunaqabataynta ECOWAS waxay ujeeddadeedu tahay inay kala qaybiso Niger, waana kuwo ka baxsan bini'aadantinimada."

Tiani waxa uu carabka ku adkeeyay in Ururka “ECOWAS” ay doonayaan inay go’doomiyaan Niger si aysan awood ugu yeelan inay ka hortagto argagixisada.

Tiani ayaa yiri, isagoo arrintaasi ka digaya: "Ma doonayno dagaal, laakin weerar kasta oo nalagu soo qaado ma noqon doono “dalixiis” sida ay iyagu moodaan."

Waxa uu intaa ku daray intii uu khudbadiisa ku jiray: "Ciidamadeenna oo taageero ka helaya Mali iyo Burkina Faso, weligood ma jilba jabsan doonaan."

Tiani ayaa sheegay in madaxda ciidanka ay ku kulmi doonaan muddo 30 maalmood gudahood ah si ay u maareeyaan xilliga kala guurka ee dalka Niger. kaas oo socon doono 3 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM