Madaxwayne iyo xaaskiisa oo laga helay safmarka Covid-19

Image
Wadar ahaan, Mozambique waxay diiwaangelisay in ka badan 2,000 kiisas dhimasho Covid-19 ah.

MAPUTO, Mozambique - Madaxweynaha Mozambique, Filipe Nyusi, iyo xaaskiisa Isaura ayaa laga helay COVID-19 waxayna galeen karantiil, sida uu sheegay xafiiskii Isniintii todobaadkan.

"Nyusi iyo xaaskiisa oo galey baaritaanno degdeg ah ayaa muujiyey calaamado taban laakiin isla markiiba waxay go'aansadeen inay karantiilaan iyagoo sugaya natiijooyinkooda sheybaarka," ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada.

Heerka faafida caabuqa ee Mozambique ayaa ku jira heerkoodii ugu sarreeyay, sida xogta laga helay raadraacayaasha Reuters ay muujisay, iyadoo celceliska tirada kiisaska cusub ay kordheen toddoba maalmood oo isku xigta.

Wadar ahaan, Mozambique waxay diiwaangelisay in ka badan 2,000 oo ah COVID-19 dhimasho la xiriirta iyo 192,000 oo kiisas ah intii lagu jiray aafadan caalamiga ah.

Mozambique oo ah wadan dankiisu ay sabool yihiin ayaa wuxuu la daalaadhaceysaa dhibaatooyin la xiriira deyn fara badan, kacdoon Islaami ah iyo sidoo kale COVID-19.

Helitaanka kaydka gaaska dabiiciga ah ee baaxadda leh ayaa Mozambique u soo baxday inay tahay waddan dhoofin kara shidaal, laakiin fadeexadaha tallaalka iyo kacdoonka ayaa taas wiiqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM