Madaxwayne libaax dilaa ah ugu magacdaray siyaasi mucaarad ah

Image
Hogaamiyaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa hadalkan ka sheegtay xarunta Hay’adda Duur-joogta.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa libaax "dilaa ah" waxay ugu magacdartay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalkaas.

Madaxweyne Samia ayaa booqasho ku joogtay Hay’adda Duur-joogta Tanzania ee TAWA, markii ay mas’uuliyiintu ay tusayeen Libaaxa dhowaan lasoo qabtay.

"Libaaxaasi magac ma leeyahay?" ayay mas'uuliyiinta waydiisay Madaxweyne Samia. "Haddii uusan magac lahayn, waxaa loogu magacdarayaa Tundu Lissu."

Mr Lissu waa hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Chadema. Waxa la xiray horaantii sanadkan kadib markii uu isku dayay in uu qabto isu soo bax dhalinyaro ah, kaas oo ay booliisku sheegeen in uu doonayay in uu rabshado ka huriyo.

Sidoo kale, Mr Lissu ayaa ka badbaaday weerar lagu qaaday sanadkii 2017. Gaarigiisa waxaa lagu dhuftey in ka badan 17 xabadood, balse wuu baxsaday isagoo dhaawac culus qaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM