Madaxwayne William Ruto oo xayiraada ka qaadey jarista dhirta

Image
Mamnuucistan lasoo rogay sanadkii 2018-kii ayuu ku tilmaamay "nacasnimo".

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa qaaday xayiraadii saarneyd jarista dhirta ee uu soo rogay lix sano ka hor, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Ruto ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid soo daahday, isagoo u sababeeyay baahida loo qabo in la abuuro shaqooyin, lana furo qeybaha dhaqaalaha ee ku tiirsan wax soo saarka kaymaha.

Walaaca laga qabo saameynta ay ku leedahay jarista deegaanka iyo isbedelka cimilada ayaa sababay mamnuucista sanadkii 2018-ka, waxaana aad usoo dhaweeyay dadka u dooda degaanka.

Balse isaga oo Axaddii ka hadlayay magaalada Molo ee gobolka Rift Valley, Mr Ruto ayaa waxa uu difaacay xayiraadda laga qaaday, isagoo sheegay in joojinta jarista ay ahayd “doqonnimo”.

"Geeduhu waxay ku daalayaan kaynta dhexdeeda iyadoo dadku ay u halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen alwaax, miyaad aragtaa nacasnimada?" ayuu is-weydiiyey.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay canshuur ku soo rogtay cid kasta oo soo dejisa alwaaxyada iyo alaabta guriga miisaaniyadii ugu dambeysay “maxaa yeelay waxaan rabnaa in waxaas oo dhan ay sameeyaan shacabka Kenya”.

Mamnuucida jarista dhirta ayaa saameyn ku yeelatay deegaanada qaar oo dad badan ay ku tiirsanaayeen jarista dhirta oo ah halka ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Qaadista xayiraadda ayaa timid iyadoo dowladda William Ruto ay waddo qorshe ay ku beerayso 15 bilyan oo geed muddo 10 sano ah si kor loogu qaado geedaha Kenya loona ilaaliyo degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM

Wafdiga ECOWAS oo ka baxay Guinea-Bissau kadib hanjabaad uga timid Madaxweynaha dalka

Madaxweyne Embalo weli kama uusan jawaabin eedeynta kasoo yeertay ECOWAS, oo ah urur dhaqaale oo ka jira Galbeedka Afrika.

  • Afrika

    11-09-2025

  • 07:21AM