Madaxweynaha Rwanda oo wajahaya mucaarad xooggan

Image
Ololaha doorashadaan oo ay ka qaybgaleen laba xisbi siyaasadeed ayaa waxaa isugu soo baxay 9.7 milyan qof.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynihii muddada 30-ka sano ah ka arriminayey dalka Rwanda Paul Kagame ayaa wajahaya mucaarad aan awood badan lahayn shacabkana taageero buuxda ka haysan maadaama doorashada laga reebay shaqsiyaad aad looga cabsi qabey.

Ololaha doorashadaan oo ay ka qaybgaleen laba xisbi siyaasadeed ayaa waxaa isugu soo baxay 9.7 milyan oo reer Rwanda ah oo xaq u leh inay codeeyaan toddobaadka soo socda si ay u doortaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka xilka hayn doona shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Paul Kagame oo dalka hogaaminayay 30-kii sano ee la soo dhaafay xasuuqii 1994-tii ayaan wax caqabad ah la kulmin, waxaana la filayaa in uu mar kale ku guuleysto doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya: Dhul go’ ka dhacay oo galaaftay nolosha 23 qof

Masiibadan ayaa barakicisay 2,700 oo qof, waxayna baabi’isay 1,775 hektar oo dalag ah.

  • Afrika

    27-08-2024

  • 11:31AM

Madaxwayne libaax dilaa ah ugu magacdaray siyaasi mucaarad ah

Hogaamiyaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa hadalkan ka sheegtay xarunta Hay’adda Duur-joogta.

  • Afrika

    27-08-2024

  • 08:06AM