Madaxweynaha ugu da'da weyn Afrika oo xusay cimriga xukunkiisa

Image
Hadal-jeedintiisa munaasabadda, Paul Biya ayaan soo hadal-qaadin haddii uu xilka ka dagayo.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha ugu da'da weyn qaarada Afrika, ahna mid ka mid ah madaxda ugu xukunka dheer Qaaradda Afrika - Paul Biya - ayaa u dabaaldagay 40-sano oo uu hayey xilka ugu sareeya Cameroon dhamaadka todobaadkan.

Guud ahaan dalka oo dhan ayaa la qorsheeyay in la qabto munaasabaddo lagu xusayo sanad-guuradan, waxaana taageerayaashiisa ay ku faraxsan yihiin waxqabadkiisa.

Balse 89-jirkan mucaaradkiisa ayaa aad uga soo horjeeda in uu xukunka baaqi kusii ahaado, iyagoo ugu baaqaya inuu xilka ka dago oo uu ku wareejiyo jiilka soo koraya.

Muddadii dheeraa ee Mr Biya waxaa lagu sifeeyay maamulkiisa uu ku guuleystay riyooyin waaweyn laakiin sidoo kale waxaa ku dhacay guul darrooyin la taaban karo.

"Musuqmaasuqa abaabulan ayaa hareeyay siyaasadda Cameroon," ayuu yidhi madaxii hore ee Transparency International ahaana musharaxii hore ee madaxweynenimada Akere Muna.

Wuxuu raaciyey: "Marka la eego soo saarista macdanta, waa ayo kuwa macdan qodayaasha ah? Maxay soo saaraan? Maxay dalka ku bixiyaan? Maxay muwaadiniintu u heli waayeen macluumaadka ku saabsan kharashaadka hantida dalkooda?".

Dawladda ayaa waxay sidoo kale dagaal qaraar kula jirtaa gooni u goosadka Anglophone ee labada gobol ee lagaga hadlo Ingiriiska taas oo ku qasabtay ilaa laba milyan oo reer Cameroon ah inay guryahooda ka baxaan iyo geerida tobanaan shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM