Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Image

JUBBA - Madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit ayaa wareegto madaxweyne oo laga baahiyay telefiishanka qaranka xilalkii kaga qaaday xubno muhiim ah oo ka tirsan xukuumaddiisa iyo hoggaanka ciidanka.

Salva Kiir ayaa shaqada ka eryay wasiirkii maaliyadda Salvatore Garang Mabiordit, kaas oo xilka hayay muddo aad u gaaban, wuxuuna booskiisa u magacaabay Kuol Daniel Ayulo.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka difaaca Janaraal Paul Nang Majok, isagoo markale xilkaas u magacaabay Janaraal Santino Deng Wol oo horay xilkan usoo qabtay.

Isku-shandhayntan oo saameysay dhowr wasaaradood ayaa ku soo aadaysa xilli dalka Suudaanta Koonfureed uu isu diyaarinayo doorashooyin dhaca dhammaadka sannadkan, isla markaana uu wajahayo caqabado dhanka dhaqaalaha iyo amniga ah.

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo, iyadoo Salva Kiir noqday taligii-teliye diidan xukunka inuu wareejiyo.

South Sudan ayaa weli wajahaya caqabado waaweyn oo ka hortaagan hirgelinta dhammaystirka qodobbadii ugu muhiimsanaa ee heshiiskii nabadda ee sannadkii 2018-kii, kaas oo soo afjaray dagaalkii sokeeye ee shanta sano qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM