Malawi: Todobo qof oo ku naf-waayay doon ku rogmatay wabi

Image
Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan sababtey keentay in ay qalibanto doonidan.

NAIROBI, Kenya - Samatabbixiyeyaasha ayaa lix meyd oo kale ka soo saaray wabi ku yaal koonfurta Malawi maalmo kadib markii dooni ay la socdeen ilaa 37 qof ay degtay Isniinta todobaadkii lasoo dhaafay.

Afhayeenka booliska, Agnes Zalakoma, ayaa sheegtay in meydadka laga soo saaray Arbacadii wabiga Shire ee degmada Nsanje ee Malawi, taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa todobo.

13 qof ayaa goor sii horeysay la soo badbaadiyay balse 17 qof ayaan weli la ogeyn halka ay ku dhinteen Isniintii, meydka cunug hal sano jir ah oo socod baradka ah ayaa laga soo saaray wabiga, kaasoo Zalakoma uu sheegTay in ay hareeyeen Yaxaasyo iyo Hippos.

"Dadka meydkooda la helay ayaa da’doodu u dhaxeysay 17 ilaa 51 jir," ayay raacisay. Zalakoma ayaa mar sii horreysay CNN u sheegtay in shilalka ay ku badan yihiin webiga.

Xildhibaan ka tirsan degmada Nsanje oo lagu magacaabo Gladys Ganda ayaa sheegtay in dadka tuuladu ay ka gudbayeen wabiga Shire si ay u aadaan beerahooda oo ku yaala xadka Malawi uu la wadaago Mozambique markii doonidii ay la socdeen uu ku dhacay Hippo.

"Aad bay khatar u tahay sababtoo ah (Wabiga Shire) aad buu u yar yahay, wabigan, waxaa jira Yaxaasyo inta badan weerara dadka iyo sidoo kale hippopotamus oo sababa shilal la mid ah kan aan la tacaaleyno," ayay Zalakoma tiri.

Waxay intaa ku dartay in samatabbixiyeyaashu ay sii wadayaan baadigoobka dadka maqan wallow ay rajo aad u hooseyso ka muujisay in la heli karo dadkan ayaga oo nool.

Deegaanka waxaa horay uga dhacay shilal naxdin leh oo doonyo galeen. Bishii Janaayo, doon ay saarnaayeen 15 qof ayaa ku qalibantay wabiga Shire, waxaana halkaasi ku dhintay hal qof halka lix kalena la la’yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM