Maldives: Wasiir loo xiray inuu sixray madaxwayne

Image
Waxaa xusid mudan in dowladda Maldives aysan weli war rasmi ah ka soo saarin xaaladdan.

NAIROBI, Kenya - Wasiir u dhashay Maldives Fathimath Shamnaz Ali Saleem ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii lala xiray labo qof kale oo walaalo yihiin oo lagu eedeeyay inay "sixir" ku sameeyeen madaxweyne Maxamed Muizzu, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Saleem waa wasiiru dowlaha deegaanka, isbedelka cimilada iyo tamarta ee Maldives. 23-kii Juun, Shamnaz, iyo labo tuhmane oo kale, ayaa la xiray waxaana lagu sii hayaa xabsiga muddo toddoba maalmood ah.

Sida laga soo xigtay Sun oo fadhigeedu yahay Maldives, Shamnaz, ayaa loo raray liiska shaqsiyaadkii hore ee siyaasadda loo magacaabay, sida ay sheegtay Sun fadhigeedu yahay Maldives.

Waxaa xusid mudan in dowladda Maldives aysan weli war rasmi ah ka soo saarin xaaladdan.

Shamnaz waxa uu horey xubin uga soo noqday Golaha Deegaanka ee Male isaga oo la soo shaqeeyay Madaxweyne Muizzu markii uu ahaa duqa magaalada.

Bishii Abriil 2023, haweeney 62 jir ah oo ku nool Manadhoo ayaa si xun u tooriyeeysay saddex qof oo deris ah kuwaas oo ay eedeeysay inay ku sameeyen sixir, sida uu sheegay mareegaha wararka ee Mihaaru.

Baaritaan dheer ka dib, booliisku waxay sheegeen in aysan helin wax caddaynaya sheegashada ah in dhibbanaha uu ku lug lahaa sixir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM