Dowlada Mali oo ceyrisay safiirka waddanka Faransiiska

Image

BAMAKO — Mali ayaa Isniintii sheegtay inay ceyrineyso safiirka Faransiiska kadib hadallo “cadowtinimo ah” oo uu jeediyey, tallaabadaas oo sare usii qaadeysa xiisadda kala dhaxeysa dalka horey u gumeysan jiray.

War-saxaafadeed laga akhriyey taleefishinka qaranka ayaa lagu yiri “Safiirka Faransiiska ee Bamako, Mudane Joel Meyer… waxaa lagu wargliyey go’aanka ay dowladda ku weydiisaneyso inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.”

Tallaabadan ayaa su’aalo cusub gelineysa taageerada Militari ee Faransiiska uu siiyo dalka Mali, oo dagaal socda 10 sano ka badan kula jira kooxo Jihaadiyiin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faranasiiska ayaa bayaan kooban oo ay soos aartay ku sheegtay “inay ka war-hayso qoraalka” waxayna intaas ku daray inay ku garab taagan tahay saaxiibadeeda Yurub iyo xulufadeeda howlgallada ka dhanka ah Jihaadiyiinta.

“Hadalladan waxay su’aalo gelinayaan sharci ahaanshaha iyo sharcinimada maamulka safiirka Faransiiska aqoonsaday,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Mali Abdoulaye Diop oo la hadlay taleefishinka qaranka.

“Kuma aqoonsan karaa mas’uuliyiin aad adigaba aqoonsaneyn,” ayuu yiri.
Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii ciidamada ay afgambi ku qabsadeen awoodda Bamako bishii August 2020, wuxuuna kasii daray markii afgambi labaad uu dhacay bishii May 2021.

Toddobaadkii tegay, Wasiirka Arrimaha Dibedda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa weriyayaasha u sheegay in militariga Mali uu yahay “sharci-darro” islamarkaana go’aanadooda ay yihiin kuwa “mas’uuliyad darro ah.”

Wasiirka Difaaca Faransiiska Florence Parly ayaa sidoo kale maamulka Mali ku eedeeyey inay sare u qaadayaan “daan-daansiga” Faransiiska.

AFP

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM