Marayakanka oo ka ‘digay’ khatar ka jirta xadka Kenya iyo Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan xuduudka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya sababo la xiriira weeraradda argagixisada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

Gobolka Turkana ee waqooyi-galbeed Kenya ayaa sidoo kale looga digay muwaadiniinta ameerikaanka ah dambiyada ka dhaca awgeed.
Xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badantahay ayaa sidoo kale looga digay muwaadiniinta Maraykanka u dhashay maadaama ay marwalba ay ka dhici karaan dambiyo la xiriira afduub.

“Xaafadaha Nayroobi ee Islii iyo Kibera mar walba waxaa ka dhici kara faldambiyeed iyo afduubka. Si gaar ah uga digtoonow marka aad u safrayso goobaha mugdiga ah ee dambiyadu ka dhaci karaan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maraykanka ayaa sheegay in ay ka dheceen Kenya weeraro argagixiso iyada oo aan la bixin digniin ah isla waqtigaas “ waxaana lala beegsaday xarumaha dowladda Kenya iyo kuwa shisheeye, goobaha dalxiiska, xarumaha gaadiidka, hoteelada, goobaha nasashada, suuqyada ganacsiga, iyo goobaha cibaadada”.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarada argagixisada ay ka mid yihiin kuwa hubeysan, weerarada ismiidaamin ah, bambaanooyinka, iyo afduub oo ay si gaar ah ugu nugulyihiin dadka Ameerikaanka ah ee jooga wadankaan ku yaalla bariga Afrika.

“Khatarta ka imaan karta duulimaadyada rayidka ee ka howlgala agagaarka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya” ayaa Maamulka Duulista Hawada Maraykanka (FAA) waxa uu soo saaray Ogeysiis ku socda Hawada Sare (NOTAM)iyada oo lagu booriyay muwaadiniinta ameerikaanka ah in ay raacaan Ogeysiisyada Maamulka Duulimaadyada Maraykanka.

Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya waxaa weeraro dhiig ku daatay ka gaystay Al Shabaab oo xiriir la leh shabakada Al Qaacid, waxa ayna joogitaan muuqda ku leeyihiin gobolka waqooyi bari Kenya iyo gobolka Lamu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM