Mareykanka oo boorka jafaya siyaasadiisa Geeska Afrika

Image
Washington ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya qaar kamid ah quwadaha Geeska Afrika.

WASHINGTON, USA – Ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, David Satterfield, iyo kaaliyaha xoghayaha, Molly Phee, ayaa lagu waddaa in ay booqan doonan wadamadda Suudaan iyo Itoobiya toddobaadka soo socda iyada oo ay weli sii socdaan qalalaasaha ka taagan labada waddan ee Afrika.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale tagi doona Sacuudiga. Satterfield iyo Phee waxay booqan doonaan Khartoum, halkaas oo ay kula kulmid doonaan dadka u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Suudaan, kooxaha haweenka iyo dhalinyarada, ururada rayidka, iyo shakhsiyaadka militariga iyo siyaasadda, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Labadan dublumaasi ayaa la kulmi doona saaxiibada Suudaan, oo ah koox ku baaqaysa soo celinta dawladdii ku meel gaarka ahayd ee dalka ka dib afgambi militari bishii Oktoobar.

Kulanka ayaa looga golleeyahay in "taageerada caalamiga ah" la siiyo howlgalka Qaramada Midoobay ee "fududeynta isbeddelka kala guurka ah ee ay hoggaaminayaa bulshada rayidka" ee Suudaan, sida lagu sheegay bayaanka.

Dadweyne aad u fara badan ayaa si joogto ah isugu soo baxay waddooyinka dalka Suudaan iyagoo dalbanaya in dib loogu soo celiyo xukunka rayidka tan iyo markii uu afgambigii dhacay 25-kii October soo afjaray hab-qeybsi awoodeed oo billowday 2019-kii.

"Farriintoodu waxay noqon doontaa mid cad: Mareykanka waxaa ka go'an xorriyadda, nabadda, iyo caddaaladda dadka Suudaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Itoobiya, labadan sarkaal ayaa la hadli doona ra'iisul wasaare Abiy Axmed si ay u raadiyaan xal u helida dagaalka sokeeye ee sii xumaanaya.

"Waxay ku dhiirigelin doonaan saraakiisha dawladda inay qabtaan furitaanka nabadda ee hadda jira iyagoo soo afjaraya duqeymaha cirka iyo colaadaha kale," ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay sidoo kale codsan doonaan in la sameeyo xabbad joojin, sii daynta maxaabiista siyaasadeed iyo soo celinta gargaarka bini'aadantinimo.

Satterfield, danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Turkiga, ayaa loo magacaabay inuu beddelo Jeffrey Feltman oo ah ergeyga gaarka ah 6-dii Janaayo.

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, oo sannadkii hore ku hanjabtay in ay qabsan doonto Addis Ababa, marka la gaaro Deseembar, waxay isaga baxday deegaanada Amxaarada iyo Canfarta dowladduna kama aysan daba-tagin jabhadda oo hada ku sugan ismaamulkooda.

Feltman ayaa xilka ka dagay mar uu booqdey Itoobiya si uu u dhiirigaliyo wadahadalada nabada si loo soo afjaro in ka badan hal sano oo dagaal ah kadib markii ay isaga baxeen fallaagada Tigrayga.

Feltman waxa kale oo uu damcay in uu wax ka qabto qalalaasaha ka taagan Sudan, balse waxa loola dhaqmay si aan qarsoodi ahayn bishii October markii taliyaha milatariga Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, uu sameeyay afgambi wax yar uun ka dib markii uu dalka ka dhoofay ergayga Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM