Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Image

Muqdisho — Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Ciidanka Difaaca Rwandan Defense Force (RDF) iyo afar ka mid ah saraakiishooda sare, kadib markii lagu eedeeyay inay si toos ah u taageereen kooxda fallaagada ah ee M23.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay U.S. State Department ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii kooxda M23 ay qabsatay magaalada Uvira, taas oo lagu tilmaamay inay jebisay heshiiskii Washington ee ay hore u saxiixeen madaxda kala ah Donald Trump, Felix Tshisekedi iyo Paul Kagame.

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, iyadoo lagu adkeeyay in la isticmaali doono dhammaan agabyada la heli karo si loo hubiyo in Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ixtiraamaan heshiiska taariikhiga ah.

Sidoo kale, bayaanka ayaa xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu xakameynayo colaadda sii kordheysa ee gobolka, isla markaana lagu ilaalinayo xasilloonida iyo amniga Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM