Mareykanka oo ergay cusub u soo magacowdey Geeska Afrika

Image
David Satterfield ayaa waqti xaadirkan ku magacaaban safiirka Maraykanka ee Turkiga

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay diblumaasi cusub oo la wareegaya xilka ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika kadib markii la sheegay in Jeffrey Feltman uu xilka ka tagayo.

"David Satterfield, oo waqti xaadirkan ku magacaaban safiirka Maraykanka ee Turkiga, ayaa noqon doona ergayga xiga," ayuu Blinken ku sheegay hadal uu soo saaray.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Blinken, danjire Feltman ayaa markii hore lagu waday inuu qabto doorkiisa wax ka yar hal sano.

"Xasillooni darrada Geeska Afrika iyo caqabadaha siyaasadeed, amni, iyo bini'aadantinimo ee gobolka ee isku xidhan ayaa dalbanaya in Maraykanku uu si joogto ah diiradda u saaro," ayuu yiri.

Satterfield, sida Feltman, waa dublamaasi ruug-caddaa ah oo si wanaagsan looga ixtiraamo dhammaan dhinacyada siyaasadda gudaha waddanka Mareykanka iyo dibaddaba.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Blinken ayaa shaaca ka dhigay in Feltman uu sii wadi doono inuu ka shaqeeyo Waaxda Arrimaha Dibadda si la-talin ah, "isagoo si dhow ula shaqeynaya aniga iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Afrika Molly Phee".

Suudaan iyo Itoobiya ayaa kamid ah meelaha ay colaadaha ugu xooggan ka jiraan Geeska Afrika. Satterfield waxaa hortaalo shaqo adag oo ah in uu la tacaalo dhibaatooyinkaas uu Feltman ku guuldareystay in uu kasoo dhex-saaro danaha Mareykanka iyo xulafadiisa galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM