Mareykanka oo ka Digay in Khatarta Daacish inay ku xoogaysato Qaaradda Afrika

Image

WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan in qaybo badan oo ka mid ah qaaradda Afrika ay wajahayaan khatar hor leh oo uga imanaysa kooxda Daacish. Warbixin cusub oo ka soo baxday aqalka cad ayaa lagu sheegay in haraadiga kooxdaas ay dib isugu soo abaabulayaan Afrika, ka dib markii looga adkaaday dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Mareykanka ayaa tilmaamay in kooxaha xiriirka la leh Daacish ay u soo qaxeen qaaradda Afrika, iyagoo ka faa’iideysanaya dowlad-xumada iyo nidaamyada amniga ee daciifka ah. Gobollada sida gaarka ah looga digayo waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaan, Mozambique, hareeraha harada Chad iyo dalalka dhaca gobolka Saaxil.

Dukumiintiga ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in inkastoo Daacish dhul ahaan looga guuleystay sannadkii 2017-kii, haddana ay hadda u muuqato inay dib u soo kabanayaan. Mareykanka ayaa dajiyay laba qorshe oo waaweyn oo uu kaga hortagayo khatartan:

kow, in laga ilaaliyo kooxahan inay helaan saldhigyo ay ka qorsheeyaan weeraro caalami ah, iyo laba, in la badbaadiyo dadka Masiixiyiinta ah ee lagu laayo deegaannada ay kooxahaas ka taliyaan.

In kasta oo Mareykanku uu qorsheynayo inuu yareeyo ciidamadiisa ka jooga caalamka, haddana wuxuu ballan-qaaday inuu sii wadayo taageerada sirdoon iyo tababar ee uu siiyo dowladaha Afrika ee dagaalka kula jira argagixisada. Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay kooxaha Boko Haram iyo garabka Daacish ee Galbeedka Afrika inay weli awood u leeyihiin inay qabsadaan dhulal hor leh.

Ugu dambeyn, Washington waxay hoosta ka xariiqday in dowladaha Afrika looga fadhiyo inay qaadaan mas'uuliyadda ugu weyn ee dagaalka.

Mareykanka ayaa aaminsan in Afrika ay gaari karto horumar ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah, haddii ay dowladuhu awood u yeeshaan inay xakameeyaan dhulkooda oo ay ka sifeyyaan kooxaha xagjirka ah ee u diiddan nabadda iyo xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM