Mareykanka oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee saldhiga Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa diidey in ay sharaxaad ka bixiso khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday, sidda la sheegay.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa booliska kasoo xigatay in "waxyeelo baaxad leh" uu geystay gulufka oo aroornimadii Axada maanta ah dhacay.

Warbixinta bileyska ayaa lagu sheegay saddex diyaarad nooca dagaalka oo laba lamida Mareykanku leeyahay midna Kenyanku leeyihiin la burburiyey.

AP ayaa sidoo kale intaas ku dartay in laba diyaarad nooca qumaatiga u kaca iyo gaadiid dagaal oo Mareykanku leeyahay lagu gubay duulaanka.

Saldhiga la beegsaday oo lagu magacaabo Simba ayaa waxaa si wadajir ah uga howlgala ciidamadda cirka Mareykanka iyo dhigooda Kenya.

Sanadkii hore, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhig milatariga Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya, halkaasoo khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Weerarka xerada Simba ayaa kusoo aadaya xili bishii December, 2019, ay Al-Shabaab sheegatay qarax 90 qof dilay oo Muqdisho ka dhacay.

Mareykanka ayaa kadib ismiidaamitaas duqeyn dhanka cirka ah ku khaarijiyey todoba kamid ahaa Al-Shabaab, isagoo ka jawaabaya xasuuqaas.

Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulineysa Kenya tan iyo markii ciidamadda wadankaas ay ku biireen howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM