Mareykanka oo ku goodiyey in uu cunaqabateyn saarayo Masar

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ku goodiyey in uu cunaqabateyn kusoo rogayo Masar hadii ay soo iibsato diyaaradaha dagaalka Ruushka.

R Clarke Cooper, kaaliyaha xoghyaha arrimaha Siyaasadda iyo Milatariga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa talaabadaas uga digay Qaahira.

Mr Cooper oo ka hadlayey Dubai Airshow ayaa shaaciyey in ay dowladda madaxweyne Cabdel Fataax al-Siisi uga digeen in ay qaado talaabadaas.

"Waxay khatar ugu jiraan xayiraad, waana kusoo geli doonaa halista waxayna lumin karaa ogolaanshiyaha. Ma ahan wax cusub taas," ayuu xusay.

Horaantii sanadkan, Masar ayaa qalinka ku duugtay heshiis ku kacaya 2-bilyan oo Doollar oo ay kusoo iibsaneyso in ka badan 20-diyaaradood.

"Qaahira si cad ayaanu uga dignay arrinkaasi. Ma ahan war cusub kani," ayuu hadalkiisa raaciyaha Kaaliyaha oo wariyeyaasha la hadlay.

Washington ayaa alaaba beegsata wadamadda diyaaradaha milatari ka iibsadda Ruushka oo uu ka dhaxeeyo xilfaatan aad u culus.

Dowladda Masar ayaa illaa iyo haatan waxa aysan ka falcelin warka kasoo yeeray Mareykanka ee ku aadan hanjabaadda hubka.

Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu siinayey Masar balaayiin Doollar oo dhinaca dhaqaalaha iyo milatariga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM