Shirkado iyo shaqsiyaad mar kale lagu soo rogay cunaqabateyn
WASHINGTON, USA - Maraykanka ayaa wareeggii labaad ee cunaqabatayn muddo toddobaad gudihiis ah ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado Afrikaan ah, kuwaas oo uu sheegay in ay taageero dhaqaale ama agab ah siiyeen kooxda Daacish.
Xafiiska Maaliyadda ee Xakamaynta Hantida Shisheeye wuxuu xayiray afar qof iyo siddeed shirkadood oo ay maamulaan shakhsiyaad ay sheegeen inay ku jiraan unugga Dawladda Islaamka ee Koonfur Afrika.
Shaqsiyaadka ayaa kala ah; Nufael Akbar, Yunus Mohamad Akbar, Mohamad Akbar, iyo Umar Akbar. Ganacsigooda dahabka ah, dhismahooda iyo shirkadahooda kale waxaa lagu bartilmaameedsadaa cunaqabatayn.
Talaabadan ayaa hakisay oo xannibtay wax kala iibsi kasta oo suurtagal ah oo ay la galaan hay'adaha Mareykanka waxayna ka hortagaysaa in dadka Mareykanka ah ay ganacsi la sameeyaan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in "Maadaama aan qeyb ka nahay isbaheysiga caalamiga ah ee ka adkaadey Daacish, Mareykanka uu sii wadi doono la shaqeynta Afrika si loo diido in ISIS ay noqoto awoodda ka faa’ideysan karta dhaqaalaha si ay u ururiyaan oo ay u gudbiyaan lacagaha lagu taageerayo ISIS iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada".
Kooxda Dawladda Islaamka mararka qaarkood waxa loo yaqaan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya, ama ISIS. Sidoo kale, waxaa ay farac ku leedahay gudaha Soomaaliya.
Waaxda Maaliyadda ayaa todobaadkii hore soo saartay cunaqabateyn dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed oo ka dhan ah shabakad ka ganacsata hubka oo xiriir la leh kooxda Daacish ee Soomaaliya iyo kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Shaqsiyaadkan oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen falal argagixisanimo oo halis ah oo lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan qaraxyo baabuur. Xayiraadan waxay timid markii qarax uu 120 ku dilay Muqdisho 300 kalana ku dhaawacay.
GAROWE ONLINE