Masar oo Digniin Ka Soo Saartay Gelitaanka Israa’iil ee Badda Cas iyo Aqoonsiga Somaliland
QAAHIRA — Dowladda Masar ayaa sheegtay in isku day kasta oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku gaarto marinada Badda Cas ama ku aqoonsato Somaliland uu yahay khatar amni oo weyn oo ku wajahan amniga qaranka Masar iyo kan guud ee gobolka, sida ay sheegeen masuuliyiin ku dhow wadahadallo heer sare ah oo dhowaan dhacay.
Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan ay maalin ka hor yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.
Masar ayaa haatan wajahaysa cadaadis isa soo taraya oo ka dhashay saameynta Biya-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) ee Webiga Niil, kaas oo Qaahira u aragto khatar jiritaan. Saraakiisha Masar ayaa sheegay in arrintani ay dalka ku keentay caqabado badan oo la xiriira maaraynta faylal amni oo si toos ah u taabanaya amniga qaran, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga biyaha, saameynta gobolka iyo marinada istaraatiijiga ah ee ganacsiga badda.
Marka la eego xaaladdan, Masar waxay u aragtaa suurtagalnimada in Israa’iil door ka qaadato Badda Cas, iyadoo ay barbar socoto helitaanka Itoobiya ee marinno badeed muhiim ah, inay tahay arrin halis gelin karta xasilloonida gobolka isla markaana sii wiiqi karta mowqifka istaraatiijiga ah ee Masar.
Dhanka kale, amniga Badda Cas ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray kulan Talaadadii dhexmaray Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah kulanka ayaa sheegay in wada-hadalladu ay xooga saareen ilaalinta amniga badda iyo qiimeynta halista ka dhalan karta faragelinta dalal ka baxsan gobolka, iyadoo Badda Cas ay tahay marin ganacsi oo muhiim u ah adduunka.
Badda Cas ayaa mar kale yeelatay muhiimad istaraatiiji ah, xilli ay socdaan isbeddello ku yimid xulafeysiinta, tartanka ku saabsan dekedaha iyo saldhigyada militari, iyo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo kuwo ciidan oo ka socda Geeska Afrika.
Masar ayaa si joogto ah u adkaysay in ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo ka hortagga in quwado shisheeye ay wax ka beddelaan isu-dheellitirka awoodda ee gobolka ay tahay mudnaan qaran oo lama taabtaan ah.
Ilaa hadda, Israa’iil iyo Somaliland midna si rasmi ah ugama hadlin digniinta ay Masar soo saartay.
GAROWE ONLINE