Masar oo heshiis kala dhex-dhigtey Israa'iil iyo Falastiiniyiinta

Image
Ma jiro wax hadal ah oo Israa'iil ay kasoo saartey ku dhawaaqista xabbad joojinta.

QAAHIRA, Masar - Hogaamiyaha kooxda Islamic Jihad ee ka dagaalanta magaalada Gaza ayaa ku dhawaaqay in heshiis xabad joojin ah lala gaaray Israa’iil si loo soo afjaro dagaal culus oo socday shan maalmood.

Mohamad Al Hindi ayaa u sheegay kanaalka Al Kahera Wal Nas Sabtidii in heshiiska ay Masar dhexdhexaadinayso uu dhaqan geli doono 10PM wakhtiga maxaliga ah (1900 GMT).

"Hadda, heshiiskan waxaa lagu gaarey iyadoo ay ugu wacan tahay dadaalka Masar ee joogtada ah, waan ka mahadcelineynaa dadaalkan," ayuu hadalkiisa kusii daray Al Hindi.

Laakiin wax yar ka hor inta uusan dhaqan gelin heshiiska, Israa’iil ayaa ka warbixisay gantaallo xooggan oo ay Falastiiniyiintu ku garaaceen koonfurta iyo bartamaha Israa’iil, waxayna sheegtay in ay duqaymo ku hayso gudaha Qaza.

Ma jiro wax hadal ah oo Israa'iil ah oo ku saabsan ku dhawaaqista xabbad joojinta. Laakin Masar ayaa mar sii horeysay sheegtay in heshiis uu dhaw yahay.

Masar waxay inta badan u shaqeysaa sidii dalaal u dhexeeya Israa'iil iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza. War la mid ah kan ka soo baxay Masar todobaadkii hore ayaa shaaca ka qaaday iyadoo uu dagaalku socdo.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay 33 falastiiniyiin ah kuna sugnaa Qaza, oo ay ku jiraan ugu yaraan 13 qof oo rayid ah, sidda ay xaqiijiyeen kooxaha qaabilsan gurmadka caafimaadka.

Labo qof ayaa ku geeriyoodey gantaallo ku dhacay Israa’iil, oo ay ku jiraan haweeney 80 jir ah oo Israa’iili ah iyo nin Falastiini ah oo Gaza ku dhashay oo ruqsad u haystay inuu ka shaqeeyo gudaha maamulka Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM