Masar oo shaacisay mowqifkeeda xaaladda Suudaan

Image
Madaxwayne Al Siisi oo ka dhawaajiyey dhawaqan wuxuu farta ku fiiqay qaabka uu xalka ku imaan doono.

KHAAHIRA, Masar – Madaxweynaha waddanka Masar, Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in dhibaatada gudaha dalka Sudan la xalin karo, iyadoo madaxdu ay dooranayaan wada hadal aan cadaadis dibadda ah ama faragelin toona lahayn.

Dhinaca shirka caalamiga ah ee Khamiista, Madaxweyne Sisi waxa uu sheegay in dalkiisu uu doortay in aanu faragelin jaahwareerka siyaasadeed ee deriskiisa, balse uu taageeri doono dhammaan dadaallada lagaga hadlayo dhibaatada.

"Waxaan leenahay siyaasad go'an oo ah faragelin la'aan arrimaha gudaha ee wadamada kale. Wada-hadalku waa dariiqa kaliya ee looga bixi karo qalalaasaha siyaasadeed ee hadda ka taagan Suudaan,” ayuu yiri isagoo ku sugan magaalada Sharma El-Sheikh, magaalada loo tamashlaha tago ee Masar ee u dhexeysa gacanka Siinaay iyo Badda Cas.

Sisi ayaa ku sugnaa magaalada si uu si rasmi ah u furto shirka dhalinyarada aduunka oo ah shir sanadle ah oo ay isugu yimaadaan dhalinyarada aduunka oo dhan kaas oo ay kaga hadlayaan arimo ay ka mid yihiin kala duwanaanshiyaha iyo “in laga wada hadlo arimaha horumarinta, loona diro fariin nabadeed” oo ka socota Masar aduunka, sida uu sheegay hogaamiyaha Masar, isaga oo tixraacaya madasha ay ansixiyeen Guddiga Qaramada Midoobay ee Horumarinta Bulshada.

Balse hogaamiyaha Masar ayaa sidoo kale doonayay inuu fariin ka gudbiyo qaska gobolka.

Madaxweyne Sisi, oo qudhiisa arkay dalkiisa oo ka gudbaya qalalaasaha siyaasadeed ee 2014, ayaa sheegay in Masar ay taageerto hannaanka kala guurka Suudaan ee uu hoggaamiyo Golaha Sare si loo abuuro waddo cad oo muwaadiniintu si xor ah u dooran karaan madaxdooda mustaqbalka.

Suudaan, oo xukunka ka tuurtay Cumar Al-Bashiir bishii Abriil 2019, ayaa la daalaa dhacaysay kala-guurka. Milateriga hoos yimaada Golaha Sare waxay galeen heshiis awood qaybsi ah oo loogu talagalay dowlad ku meel gaar ah Ogosto 2019, laakiin dowladdaas ayaa dhacday Oktoobar 2021 ka dib markii Goluhu hindisay afgambi, isagoo xiray Ra'iisul Wasaare Abdalla Hamdok iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.

Dabayaaqadii bishii Nofembar ee sanadkii hore, Hamdok waxa uu ogolaaday in uu dib u bilaabo shaqadiisa hogaaminta waxana laga sii daayay xabsiga guriga.

Si kastaba ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqyada rayidka ah ee qaabka isbaheysiga ayaa diiday heshiiska oo tan iyo markii ay mudaharaadayeen. 2-dii Janaayo, Xamdook ayaa iscasilay, isaga oo sabab uga dhigay in uu ka niyad jabay in xisbiyada ay miiska soo saaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM