Maxaabiis hore oo lagu eedeeyay inqilaab dhicisoobay

Image
Inta la xaqiijiyay 11-ruux ayaa ku dhimatay oo u badnaa ciidamada intii uu socdey isku-dayga afgembiga.

BISSAU, Guinea-Bissau — Madaxweynaha Guinea-Bissau ayaa sheegay in maskaxdii ka dambeysay isku daygii afgambi ee todobaadkii hore ay xabsiyada Mareykanka u galeen eedeymo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

Umaro Sissoko Embaló ayaa xusay in Admiral hore oo ka tirsanaa ciidamada badda iyo labo ka mid ah kaaliyeyaashiisa ay ku lug lahaayeen shirqool si wanaagsan loo maalgeliyay oo lagu dili lahaa isaga, ra'iisul wasaarihiisa iyo saraakiil sare oo kale.

Embaló oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in laba ka mid ah raggaasi uu ku arkay qasriga dowladda "intii uu socday isku dayga afgambiga".

Hogaamiyahan xafiiska jooga tan iyo sanadkii 2020-kii ayaa guddoominayey shirka golaha wasiirada markii rag hubaysan ay gudaha u galeen xarunta madaxtooyadda.

Inta la xaqiijiyay 11-ruux ayaa ku geeriyootay oo u badnaa ciidamada amaanka intii uu socdey isku-dayga afgembiga oo dhicisoobay markii ay is-hortaageen ciidamadda.

Guinea-Bissau waa marin muhiim u ah ka ganacsiga daroogada sharci darrada ah ee laga keeno Koonfurta Ameerika ilaa Yurub. Kooxaha ka ganacsatada lama kulmaan iska-caabin xagga dowladda ah.

Tani waxay keentay in Qaramada Midoobay iyo Maraykanku u aqoonsadaan "narco-state" toban sano ka hor – waana markii ugu horeysay ee calaamad noocan oo kale ah la siiyo dawlad Afrikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM