Maxkamad amar kasoo saartey baarista xasuuq dhacay 1994-tii

Image
In ka badan 800,000 oo qof ayaa lagu dilay xasuuqan intii u dhaxaysay bilihii April iyo July 1994-kii.

PARIS, France - Maxkamad racfaan oo ku taal Paris ayaa amartay in dib loo furo baaritaanka ka dhanka ah ciidamada Faransiiska ee ku aadan in aysan faragelin xasuuqii Rwanda ka dhacay sanadkii 1994-tii.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP, go'aankan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii baarayaashu ay gabi ahaanba hakiyeen kiiskan sannadkii hore.

Ururada iyo dadkii ka badbaaday dilka Tutsiga ee buuraha Bisesero ee galbeedka Rwanda ayaa muddo dheer u heystay howlgalka Faransiiska ee Turquoise iyo dowladda "in uu ku lug lahaa xasuuqa".

Dadkan oo dhowr jeer kala duwan hadlay ayaa carabka ku dhuftey in ciidamaddu ay si ula kac ah ugu guul darrysteen inay difaacaan dhibanayaasha muddo saddex maalmood ah.

Boqolaal qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Tutsis ah ayaa lagu dilay aaggaas intii u dhaxaysay Juun 27 iyo 30, 1994, waxaana uu noqdey xasuuq caan ka ah caalamka.

Muran ba'an ayaa weli ka taagan howlgalka Turquoise ee Qaramada Midoobay u qaabilsan France ee Rwanda, kaasoo la rabay inuu joojiyo xasuuqa balse aanan faragelin.

In ka badan 800,000 oo qof ayaa la dilay intii u dhaxaysay bilihii April iyo July 1994-kii, sida laga soo xigtay tirooyinka Qaramada Midoobay, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda Tutsiga laga tirada badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM