Midowga Afrika oo aqoonsi gaar ah siiyey Shiinaha

Image

ADDIS AABABA, Ethiopia – Saraakiil sarsare oo ka socda Ururka Midowga Afrika (AU) ayaa ku ammaanay Shiinaha doorka muuqda ee ay ka geysanayaan horumarinta Afrika sida ay ku warantay warbaahinta Shiimaha oo xiganaysa saraakiisha Midowga Afrka ee ku sugan Beijing.

Guddoomiyaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta Midowga Afrika, Amani Abou-Zeid ayaa xusay in Shiinuhu uu yahay saaxiibka ugu weyn ee horumarinta Afrika iyada oo loo marayo dhismaha mashaariicda sida waddooyinka, dekedaha, jidadka tareenada, beeraha, warshadaha, biyo xireenada iyo hindisayaal kale oo wax ka beddelaya dhaqaalaha Afrika.

"Marka aad booqato dhammaan dalalka Afrika, waxaad arki doontaa dhowr mashruuc oo waaweyn oo Shiinuhu dhisay ama xitaa uu maalgelinayo. Mashaariicdan ayaa ka kooban dhammaan qaybaha muhiimka ah sida caafimaadka, beeraha iyo waxbarashada. Dhowr machadyo waxbarasho oo leh maktabado ama shaybaarro cilmi-baaris ayaa shiinuhu ka dhisay gobolka”.

"Wadamada kale waxay leeyihiin cusbitaalo waaweyn oo casri ah kuwaas oo dhismahooda ay maalgelisay shirkado ama dawladda Shiinaha. Dhammaan arrimahan ayaa muujinaya dadaalka Shiinaha uu ku doonayo in uu wax uga beddelo Afrika si ay uga faa’iidaystaan dhammaan dadkeeda," ayuu yiri Ergayga Midowga Afrika ee Shiinaha.

Intii uu socday shirkii heer wasiir ee Midowga Afrika ee todobaadkii hore lagu qabtay Addis Ababa ayaa Shiinaha loo aqoonsaday laguna ammaanay dadaallo badan oo lagu caawinayo dib u soo kabashada dhaqaalaha Afrika.

Afrika ayaa sidoo kale Shiinaha ka kaashada ballaarinta isticmaalka tignoolajiyada, horumarinta waxbarashada iyo cilmi baarista iyo in si wadajir ah looga caawiyo dhismaha dalal madax-bannaan.

Taas waxa lagu muujin karaa dhamaystirka qaar ka mid ah xarumaha cilmi-baadhista sida Luban Laboratories oo ay maamulaan hay’ado Afrikaan ah oo kaashanaya machadka Tianjin ee Shiinaha.

"Waxaan sameynaa waxyaabo badan oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo tignoolajiyada anagoo kaashanayna Shiinaha." Ayaa laga soo xigtay saraakiisha Afrikaanka ah.

"Waxaan awoodnay inaan isku keeno Shiinaha iyo Afrika, anagoo adeegsanayna Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), waxaan fulinay oo aan sii wadnay fulinta mashaariicda ugu waaweyn qaaradda," ayuu yiri Hambani Masheleni, oo ah ku-simaha madaxa waaxda Waxbarashada, Sayniska, Farsamada iyo Hal-abuurka Midowga Afrika.

Tirakoob uu sameeyay Machadka Cilmi baarista Shiinaha iyo Afrika ayaa muujinaya in Angola, Ethiopia, Zambia, Kenya iyo Nigeria ay ka mid yihiin wadamada Afrika ee sida dhow ula shaqeeya Shiinaha gaar ahaan maalgashiga dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. 2016, Afrika waxay Shiinaha la saxeexatay tiro heshiisyo is-afgarad ah (MoUs) oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM