Milatari xooggan oo awood kula wareegay xukunka dalka Niger

Image
Inqilaabkan ayaa waxa uu soo gabagabeeyay waayihii taladda madaxweyne Maxamed Bazoum.

NAIROBI, Kenya - Askarta Niger ayaa sheegtay inay xilka ka xayuubiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum kaas oo xukumaya dalkaas galinkii dambe ee Arbacadii, sidda ay ka sheegeen telefishinka dowladda.

Dhawaqan ayaa waxa uu yimid saacado kaddib markii xubno ka tirsan ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada waddankaas ay siyaasiga ku xireen gurigiisa.

Kornayl-Major Amadou Abdramane oo la hadlay telefishinka qaranka dalkaas ayaa sheegay in "difaaca iyo ciidamada ammaanku ay go'aansadeen in ay soo afjaraan nidaamka aad taqaan".

"Tani waxay daba socotaa sii xumaanshaha joogtada ah ee xaaladda amniga, maamulka xun ee bulshada iyo dhaqaalaha," ayuu hadalkiisa kusii daray Abdramane.

Askariga ayaa sheegay in xuduudaha dalka ay xiran yihiin, isla markaana uu jiro bandow dalka oo dhan ah. "Waxaa sidoo kale shaqada laga joojiyay dhammaan hay’adaha dalka," ayuu raaciyay.

Abdramane waxaa garab taagnaa sagaal sarkaal oo kale inta uu akhriyey qoraalkiisa. Kooxdan isku magacaawday Golaha Qaranka ee ilaalinta dalka ayaa ka digay faragelin shisheeye.

Afgembigan ayaa ayaa yimid kadib maalin hubanti la'aan ah iyadoo madaxtooyada Niger ay soo warisay in xubno ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ay ku howlan yihiin "mudaaharaad ka dhan ah jamhuuriyada".

Wakaaladaha wararka ayaa sheegay in Bazoum lagu hayo qasriga ciidamada gadoodsan halkaas oo macluumaadka laga heli karo ay adag tahay lamana saadaalin karo masiirkiisa siyaasadeed iyo bad-qabka nafsadiisa.

Related Articles

Dhinacyada ku dagaalamaya Congo oo loogu baaqey inay sameeyeen xabbad-joojin degdeg ah

Kagame ayaa shirka si toos ah uga soo qeyb galay, halka Tshisekedi uu uga qayb galay muuqaal ahaan.

  • Afrika

    09-02-2025

  • 02:39PM

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM