Morocco: Wax ka ogow ceelka uu ku dhacay Rayaan Awram

Image
Ilaa hadda ma cadda xaaladda dhabta ah ee wiilkan ceelka ugu dhacay.

RABAT, Morocco – Shaqaalaha ayaa soo saaray meydka wiil dhalinyaro ah oo muddo shan maalmood ah ku go'doonsanaa ceel ku yaal waqooyiga Morocco, taasoo soo afjartay howl-gal aad u xanuun badan oo qaranka qabsaday.

Bayaan ka soo baxay boqortooyada oo ay baahiyeen warbaahinta dowladda Sabtidii ayaa lagu sheegay in wiilka uu dhintay ka hor inta aysan samatabbixin u badbaadin.

Boqorka Morocco Mohammed VI ayaa u tacsiyeeyay waalidka wiilka.

"Kadib shilkii naxdinta lahaa ee galaaftay nolosha ilmaha yar ee Rayan Oram, Boqorka Boqortooyada Mohammed VI wuxuu wacay waalidiinta wiilka dhintay ka dib markii uu ku dhacay ceelka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhibaatada wiilka ayaa soo jiidatay indhaha caalamka. Farriimaha internet-ka ee taageerada iyo walaaca ee Rayyan ayaa baraha bulshada qabsaday iyada oo taageero loo muujinayay.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay markii meydkiisa la soo saaray ka dib, boqolaal ka mid ah shaqaalaha gurmadka iyo daawashada goobta isugu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay in ay soo badbaadiyeen wiilka.

Shaqaale ay ku jiraan qodayaal makaanik ayaa shaqaynayey habeen iyo maalin si ay u badbaadiyaan ilmaha shan jirka ah ka dib markii uu ku dhacay ceel qoto dheer oo 32-mitir (100-feet) ah oo ku yaal buuraha u dhow Chefchaouen Talaadadii.

Ceelku waxa uu ballaciisu ahaa 45cm (18 inches) xagga sare waxana ka sii ciriiri badnaa xagga hoose, taas oo ka dhigaysa mid aan u suurtogelin in samatabbixiyeyaashu si toos ah ceelka u galaan.

Dedaalku wuxuu ahaa hawl-gal jilicsan oo khatar ah, oo ay si joogto ah loo samaynayay iyada oo la wajahayay khatar ah in dhagxaantu ku daataan gudaha ceelka.

Dadka Reer Moroco waxay daawanayeen sheekada telefishanka si ay ula socdaan badbaadinta wiilkaan yar.

Tuuladan oo ay ku nool yihiin 500 oo qof ayaa waxaa ku yaal ceelal dhaadheer, kuwaas oo intooda badan loo isticmaalo waraabinta dalagyada xashiishka oo ah isha ugu weyn ee ay dhaqaale ka helaan dad badan oo sabool ah, baadiye fog oo  oomane ah oo ku yaal buuraha Rif ee Morocco. Ceelasha intooda badan waxay leeyihiin daboolo difaac.

Ilaa hadda ma cadda xaaladda dhabta ah ee wiilkan ceelka ugu dhacay. Dhacdadan ayaa kicisay naxariis badan oo online ah, iyadoo hashtag Carabi ah ee #SaveRayan ay ka socoto Waqooyiga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM