Muddo xileedka madaxweynaha Kenya oo isbedel lagu sameynayo

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda iyo mucaaradka Kenya ayaa Arbacada maanta ah waxay soo bandhigeen warbixin aad loo sugayey oo ku saabsan is-afgarad dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Warbixinta oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ayaa waxay guud ahaan wax ka bedeleysaa nidaamka dowladeed ee waddankas.

Ugu horeyn, waxay sheegeysaa in la sameyn doono jago ra’iisul wasaare oo uu soo magacaabayo hogaamiyaha ugu sareeya dalka.

Qoromadda ayaa sidoo kale waxay xuseysaa in mudada xileedka madaxweynaha laga dhigi doono muddo ku suntay laba sano.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sii jiri doona, wuxuuna noqonayaan sii haayaha xilka madaxweynaha, muddo ku meel gaar ah.

Laanta Fulinta ayay warbixintu tibaaxeysaa in ay noqon doonto mid isku dhaf ah oo ka kala imaanaysa xisbiyadda kala duwan.

Baarlamaanka ayaa waxa uu yeelan doonaa awood uu kusoo magacaabo Wasiiru dowle dabagal ku sameynaya xukuumadda. Wasiiru dowleyaasha way sii jirayaan iyadda oo aan waxba lagu kordhin gunnadooda.

Warbixintan ayaa waxaa si wadajir ah u soo diyaariyey xubno ka kala socda mucaaradka iyo xukuumadda, kuwaas oo ay isla meel dhigeen Uhuru iyo Odinga, hogaamiyaha mucaaradka kadib is-aragooda bishii Maaj.

Is-gacanqaadkooda sanadkii hore ayaa dalka Kenya ka saarey xaalad hubanti la’aanshiyo ah oo ka dhalatay doorashadii aadka loogu murmay ee 2017-kii, taasoo mucaaradka qaadacay markii uu kusoo baxay Uhuru.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM