Museveni: 800 xubno Al-Shabaab ah ayaa fulisay weerarkii Buulo Mareer

Image
Madaxweynaha Uganda ayaa si kulul waxa uu uga hadlay ciidamada dalkiisa ee lagu weeraray gobolka Shabeellaha Hoose.

KAMPALA, Uganda - Isagoo aan shaacin tirada khasaaraha, madaxweynaha Uganda ayaa ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamadiisa ka tirsan ATMIS ee degmada Buulo Mareer gobolka Shabeellaha Hoose 26-kii May.

Yoweri Museveni oo qoraal ku daabacay Twitter-ka ayaa sheegay in ilaa 800 oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay ka qeyb qaateen weerarka, isaga oo qiray in mitidiinta ay "cagta mariyeen" saldhigga.

"Qaar ka mid ah askartii halkaas ku sugneyd ayaan soo bandhigin wax-qabadkii laga filayey, argagax ayayna ku dhaceen, taasoo keentay in ay is-habeeyaan, Al-shabaab-na ay ka faa'iideysteen," ayuu yiri.

Museveni ayaa waxa uu intaas ku daray: "Hawlgallada Soomaaliya iyo masraxyadda kale, waa hawlgallo dagaal ee maaha hawlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka Qaramada Midoobay".

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa tibaaxay in ay aad uga xun yihiin beegsiga saldhiga degmada Buulo-Mareer, waxaana uu tacsi u diray ehelada askarta dhimatay.

"Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS," ayuu yiri Matthew Miller.

Miller ayaa intaas ku daray: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha waxaanan u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay. Mareykanka wuxuu bogaadinayaa geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalkan muhiimka ah".

"Waxaan ku garab taaganahay saaxiibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta argagixisada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Howlgalka ATMIS oo qoraal rasmi ah faafiyey ayaa sheegay in ay iska-caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer. Balse masoo bandhigin khasaaraha soo gaarey ciidamadooda.

Xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa wariyay in ay "cagta mariyeen" xeradan isla markaana ay nolosha ku qabteen askar u dhalatay Uganda.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, 2024 taasoo Muqdisho ay kula wareegeyso ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM