Museveni: Ilaalo iyo cunto-kariyeyaal ayaan u dirnay Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Uganda ayaa ku canaantey hogaanka ciidanka dalkaas "maamul xumo iyo musuqmaasuq".

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn u canaantey hogaanka ciidamadda waddankaas oo uu ku eedeeyay in ay Soomaaliya u direen waardiyeyaal iyo cunto-kariyeyaal ay u ekeysiiyeen askar.

Yoweri Museveni oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Kampala ayaa shaaca ka dhigtey in talaabadaas maamul xumadda ah loo sameeyay sababo lacag aawadee.

"Hadda dadka qaarkood ka fiiriyaan howlgalka; kaliya waxay eegaan lacagta. Soomaaliya waa meel khatar ah, haddii aad qaabkaas ku tago waxaad ku dambeyn doontaa xaalad aan wanaagsaneyn," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtey Museveni, Al-Shabaab ayaa horey ugu fashilantey in ay dharbaaxo kulul ku dhufato ciidamadda Uganda "maadaama askartii horey u ahaayeen kuwa khibrad leh oo yaqaana dagaalka".

"[Hadda] waxay u muuqataa in dadkeenna aan u dooranay in ay noo aadaan Soomaaliya lagu xushay sababo dhaqaale aawadeed," ayuu ku daray, isaga oo qiraya in aysan lahayn waayo-aragnimo badan.

Dhawaqa Museveni ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidamadda Uganda ee magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Muuqaalo iyo sawirro ay faafisay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa muujiyey meydad badan oo askarta Uganda ah, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan illaa inta ay gaarsiisan tahay tiradooda.

Warbixino mukhaabaraad ayaa xaqiijiyey in ay tiradooda u dhaxeyso 100 illaa 130 askar isla markaana ugu yaraan saddex askari kale ay nolosha ku wateen maleyshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagay xilli loo diyaar-garoobayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaasoo ay Soomaaliya ku caawin doonan wadamadda dariska ah Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM