Museveni oo loo doortay madaxweynaha Uganda

Image

KAMPALA, Uganda - Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Yoweri Museveni uu yahay guuleystaha coddeyntii madaxtinimada waddankaas.

Sidda laga soo xigtay shaacinta guddiga, Museveni ayaa labinta ku leh 58.6 boqolkiiba dhamaan codadkii laga dhiibtay doorashooyinka madaxtooyadda.

Musharaxii ugu soo dhowaa Robert Kyagulanyi oo loo garan og-yahay Bobi Wine ayaa kaalinta labaad kusoo baxay asaga oo helay codad gaaraya 38.4 boqolkiiba.

Shalay oo Jimce ahayd, Wine ayaa sheegtay in uu ku adkaaday doorashooyinka, wuxuuna natiijo horudhac ah oo soo baxdey uu ku tilmaamay "mid la maroor-saday".

Wine, oo ah hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee Uganda, ayaa tilmaamay in uu dareemayo cabsi isla markaana gurigiisa ay Jimcadii hareeyeen ciidamadda milatariga.

Museveni oo ah 76-sano jir ayaa markii saddexaad oo xiriir ah waxaa loo dhaarinayaa xilkaas, isaga oo xafiiska sii joogaya ku dhowaad afar qarni ama 40-sano.

Bobi Wine oo horey u ahaa heesaa ama fanaan ayaa wuxuu saaxada siyaasada kusoo galay in uu hibadiisa ku dhaliilo dowladda Museveni, wuxuuna soo jiitay dhalinyaro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM