Museveni oo sheegay in weerarkii Buulo Maraar looga dilay 54 askari

Image
Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay shaacisay in tiro ka badan 130 askari ay ku laysay falkaas.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni Sabtidii ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kooxda hubaysan ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida ayaa sheegatay inay fulisay weeraro ismiidaamin ah 26-kii May ayna ku dileen 137 askari.

Museveni ayaa Sabtidii waxa uu caddeeyay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markii weerarku dhacay ay dib ula wareegeen saldhigga kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah waxayna sameeyeen dib isu habeyn buuxda, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhigga Talaadadii," ayuu yiri madaxweynaha.

Musaveni ayaa todobaadkii hore qiray inay jiraan khasaarooyin kasoo gaaray ciidamada Uganda, balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarka lagu dilay ciidamadaasi, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

ATMIS oo ka kooban 22,000 oo askari ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2022-kii markaasoo oo la badalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM