Muwaadiniin Mareykan iyo British ah oo loo xukumay isku-day afgambi

Image
Raggan ayaa lagu eedeeyay inay hogaaminayeen weerar lagu qaaday labada madaxtooyada.

NAIROBI, Kenya - 37 qof oo ay ku jiraan saddex Maraykan ah, British, Belgian iyo Canadian ah ayaa lagu xukumay dil, ka dib markii ay isku dayeen inay afgambiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay hogaaminayeen weerar lagu qaaday labada madaxtooyada iyo guriga nin ay xulafo la yihiin madaxweyne Félix Tshisekedi bishii May.

Christian Malanga oo u dhashay dalka Maraykanka balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Congo, laguna tuhunsan yahay in uu ahaa hoggaamiyihii qorshahan ayaa la dilay intii uu socday weerarka, isaga iyo shan kale.

Guud ahaan 51 qof ayaa la horkeenay maxkamada ciidamada qalabka sida, iyadoo dhageysiga dacwada laga sii daayay TV-ga qaranka iyo raadiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM