Natiijada tirokoobka: Tiradda guud ee shacabka Kenya oo la shaaciyay

Image

NAIROBI, Kenya – Guddiga Qaran ee Tirokoobka Kenya oo Isniinta maanta ah soo bandhigay natiijada tirokoobkii u dambeeyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka dalkan ay gaarayaan 47.6 milyan oo ruux.

Zachary Mwangi, agaasimaha guud ee Guddiga, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay maxsuulka kadib munaasabad lagu qabtay Nairobi.

Tirokoobka ayaa guud ahaan waddanka dhaca Geeska Afrika waxaa laga sameeyay intii u dhaxeysay 24-kii illaa iyo 31-dii August.

Mwangi oo tiradda guud ku sheegay 47, 564,296 ayaa xusay in ay korortay 47.6 boqolkiiba. Tirokoobkii 2009-kii wuxuu ahaa 37.7%.

Macluumaadka ayaa muujinaya in waddanka uu haysto 24-milyan oo dumar ah, halka 23-milyan oo kale ay rag yihiin.

Natiijadda oo markii ugu horeysay lagu diiwaangeliyay shaqsiyaadka labeebka ah ayaa waxaa lagu qeexay tiradooda 1,524.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xafladda goobjoog ka ahaa ayaa wuxuu bogaadiyey "guddiga shaqaddan fiican qabtay".

"Waa guul kale oo dalkeena u soo hooyatay in aan noqonay dalkii ugu horeeya ee Afrika kaasoo natiijada tirokoobka kusoo gabagabeeyay laba bil gudaheeda," ayuu yiri, isaga oo farxad ka muujiyay sarre u kaca.

Iskoorka layaabka leh ee laga diiwaangeliyay tirokoobka ayaa lagu sheegay in wadanka uu muddo 11-sano gudaheeda ah ay kor ugu kaceen dadkiisa, waxaana sarre u kaca lagu tilmaamay 9 milyan oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM