Niger: Afgambi ka dhan ah Madaxweyne xulufo la ah Faransiiska

Image

NIGER - Madaxweynaha dalka Niger Maxamed Basoum ayaa maanta wajahayaa waxa ay madaxtooyadu ku tilmaantay "dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda Jamhuuriyadda oo fashilmay" kadib afgambi ay isku dayeen ilaalada madaxtooyada in ay sameyaan ayna kula wareegaan taladada dalka.

Sida laga soo xigtay ilo badan, saraakiisha dhaqdhaqaaqan ka dambeeya waxaa ka mid ah taliyaha Ilaalada Madaxtooyada, General Omar Chiani, oo xilka haayo tan iyo xilligii Madaxweynihii hore Muhammadu Issoufou, balse maalmihii u dambeeyay madaxweynaha ayaa doonayey in uu xilka ka qaado.

Madaxtooyada Niger ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qaar ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada ay bilaabeen dhaqdhaqaaq “Jamhuuriyadda ka soo horjeeda” kaasi oo “fashilmay”, balse ma sheegin magacyo.

Warbaahinta “ Jeune Afrique” ayaa sheegtey in Madaxweynaha uu caafimaad qabo, uuna isku dayayo in uu la xaajoodo ciidamadaan afgambiga ku kacay, halka ilo ka tirsan milatariga Niger ay sheegeen in madaxweynaha uu ku xiranyahay hooygiisa ku yaaalla caasimadda dalkaas Niamey.

Basoum ayaa talada dalka Niger la wareegay labo sano iyo 3 bilood ka hor, isagoo xilka kala wareegay madaxweynihii ka horreeyay Mohamedou Issoufou, kaddib markii uu ku guuleystay doorashooyinkii ay mucaaradku su'aal ka keeneen. labo maalmood ka hor caleema saarkiisa, dowladda Niger ayaa fashilisay isku day afgambi.

Si ka duwan dalalka deriska la ah sida Mali & Burkina Faso, oo ay maamulaan ciidamado militari ah kuwaas oo afgambi ka sameeyay dalalkaas, Niger ayaa weli ah mid ka mid ah dalalkii ugu dambeeyay ee ku yaalla xeebta bari ee Africa uu maamulo qof rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM